|

Booliska Paris Oo Weeraray Koox Hubaysan iyo Iska Caabin Ka Socota Guriga Lagu Hareeraysan yahay.

Paris,18Nov,2015(QJ/SDN)-Ciidamada Booliiska France ayaa weerar ku qaaday guri ay ku sugnaayeen xubno la sheegay inay ka qeyb qaateen weeraradii Jimcihii ka dhacay magaalada Paris.

Iska horimaad ayaa ka dhacay guriga ay doonayeen inay booliiska gudaha u galaan oo ku yaal deegaanka Saint Denis ee waqooyiga magaalada Paris, iska horimaadka oo bilowday 4tii subaxnimo ayaa weli socda iyadoo hada goobtaasi soo gaadheen ciidamada Militariga oo gacan siinaya Booliiska.

Xaafadan ayaa u dhaw Istadiyumka Paris oo kamid ah goobihii ay weeraradu ka dhaceen Jimcihii lasoo dhaafay.

Waddooyinka u dhaw guriga la sheegay inay ku jiraan kooxdan hubeysan ayaa la xidhay, sidoo kale dawlada ayaa sheegtay in dhammaan xarumaha Waxbarashada iyo ganacsiga ee deegaankaasi maanta ay xidhnaan doonaan inta uu hawlgalkani socdo.

Booliiska ayaa xaqiijiyey in qaar kamid ah Askartooda ay ku dhaawacmeen waxaana soo baxaya warar sheegaya in hada uu hal qof dhintay, macada in qofkaasi uu kamid yahay kooxda hubeysan ama askarta Booliiska.

460x

Xog la helayo ayaa sheegaya in guriga ay ku sugnaayeen 4 qof oo midi tahay haweenay. Waxaana jira warar sheegaya in haweenaydaasi is qarxisay intuu iska horimaadka socday saacadihii hore, sidoo kalena labo nin ku dhinteen dagaalka, waxaana jira weli nin hubeysan oo goobtaasi ku sugan oo ay booliiska ku hareeraysan yihiin.

Booliiska weli si rasmi ah faah faahin ugama bixin khasaaraha, maadaama uu hawlgalka weli socdo.

Warbaahinta Faransiiska ayaa sheegaya in kooxdan hubeysan uu ku jiro nin lagu magacaabo Cabdixamid Abaaud oo ah 28 sano jir kuna dhashay dalka Belgium kaasi oo hore loo maleenayey inuu ku maqan yahay Siiriya, ninkan oo kamid ah hogaanka ISIS ayaa la sheegayaa inuu ahaa shaqsigii dusha ka maamulayey kooxdii weerarka ka geystay Paris.

Wixii warar ah ee kasoo kordha kala soco wararkayaga danbe Insha Allaah.

Comments are closed