|

Madaxweyne Ku Xigeenka Puntland Oo Soo Xidhay Wadatashigii Puntland Ka Socday SAWIRRO

IMG_5775

Garowe,17Nov,2015(QJ/SDN)-Madaxwayne ku xigeenka maamulka Puntland Cabdixakiin Cabdilaahi Camey ayaa soo xidhay wadatashigii labada maalmood qaatay ee looga arrin sanayay sida ay noqon korto doorashada soo socota ee 2016.

Xidhitaanka wadatashiga waxaa goobjoog ahaa wafdi uu hoggaaminayo wasiirka arrimaha gudaha dowladda Federaalka Soomaliya Cabdiraxmaan Odawaa,xubno ka socday wasiiradda Puntland iyo marti sharaf kale.

Ka qayb galayaashii wadatashiga oo afar kooxood uga doodayay afar qodob oo shirka ku saabsanaa ayaa goobta kosoo bandhigay qodob kasta siday u arkayeen, kuwaasoo cadeeyay in aanay muhiim ahayn in dib loogu laabto nidaamii 4.5 oo ay ku dhisan tahay dowladda hadda jirtaa ee Xasan Shiikh Maxamuud.

Doorashada Soomaaliya ma waxay noqon kartaa 4.5?. ma waxay noqon kartaa nidaamka axsaabta badan.? ma waxay noqon kartaa afar dhibic shan oo awood badan loo siinayo mamulada dalka? mise waxay noqon kartaa qaab deegaan. qodobadaa ayay ahaayeen qodobaddii laga doodayay.

Xaliimo Cali Biyood oo ku hadlaysay afka kasoo qayb galayaasha ayaa wasiirka arrimaha gudaha dowladda Federaalka Soomaaliya ka codsatay in aragtida shacabka Puntland uu si toos ah ugu gudbiyo dowladda dhexe.

Wasiirka arrimaha gudaha mudane Cabdiraxmaan Odawaa oo munaasibadda xiritaanka hadal ka jeediyay wuxuu balan qaaday aratida shacabka ee barnaamijkan la xariira inuu ku hagaajinayo halkii loogu talo galay, waxa kale uu ka mahad celiyay qaabka wanaagsan ee loogu soo dhaweeyay magalo madaxda Garowe.

Wasiirka shaqada iyo shaqalaha Puntland Axmed Cabdiraxmaan ayaa sheegay shirarka wadatashiga in lasoo dhawada dhammeeyay ayna hal mar aragtida dadka ka qayb galay loo gudbinayo dowladda dhexe ee Soomaaliya.

Madaxwayne ku xigeenka Puntland Cabdixakiin Cabdilaahi Camay ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay sida wanaagsan ee rayidku ugu hadleen habka loo wajahayo doorashada Soomaaliya, sidoo kale waxa uu cadeeyay in dowladda ay ka madax banaan tahay aragtida shacabka oo ay dareenkoodu ku jirin.

Shirarka wadatashiga doorashada Soomaaliya oo ka wada socday inta badan magalooyinka waa wayn ee dalka ayaa si wadajir ah udoo dhammaaday, waxana lagu wadaa guddi u saaran arrintan inay shacabka dib ugu soo caliyaan aragtida la qaatay ee doorashada lagu dabaqayo.
IMG_5298

IMG_5371

IMG_5375

IMG_5430

IMG_5448

IMG_5490

IMG_5499

IMG_5505

 

IMG_5536

IMG_5539

IMG_5564

IMG_5567

IMG_5570

IMG_5594

IMG_5599

IMG_5648

IMG_5657

IMG_5663

IMG_5667

IMG_5683

IMG_5717

IMG_5723

IMG_5736

IMG_5756

Comments are closed