|

Kenya Oo Sheegtay in Aanay marnaba Ciidankeeda ka saari doonin Soomaaliya

London,17Nov,2015(QJ/SDN)-Dowladda Kenya ayaa shaaca ka qaaday in aanay marnaba ciidamadeeda ka saari doonin Soomaaliya, xilli Baarlamaanka Soomaaliya ay soo jeediyeen qaraar ka dhan ah joogitaanka Ciidamada Kenya.

Xoghayaha Gaashaandhiga Kenya Raychelle Omamo ayaa sheegtay in Ciidamada Kenya ay Soomaaliya u joogaan si sharci ah, isla markaana ay qeyb ka yihiin howl galka Midowga Afrika ee AMISOM.

“Kenya waxay qeyb ka tahay AMISOM, waxayna ku shaqeysaa shuruucda AMISOM iyo waliba aragtida hawlgalka ciidamada AMISOM, Soomaaliya iskama joogno waxaan halkaas u joognaa midowga Africa iyo beesha caalamka kuwaas oo taageeraya dadaalkeena ku aadan sidii loo dejin lahaa dalka Soomaaliya, waxaan is leeyahay xaaladaan oo kale waxaa jira kara dhacdooyin siyaasiyiintu ka soo yeeraya, laakiin muhiimaddu waxay tahay inaan xoogga saarno xasiloonida dalka iyo inaan diiradda saarno dadaalkan wanaagsan ee hadda aan ka wadno Soomaaliya, waxaan sii ahaan doonnaa AMISOM illaa AMISOM ay ku guuleysato hadafkeeda” ayey tidhi Rijel Umamo

Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maalmihii u dambeeyay dood kulul ka lahaa arrinta Kenya ay dooneyso inay darbi kaga dhisto xuduuda, waxaana qeyla dhaan ka soo yeerayay siyaasiyiinta Soomaaliyeed oo dalbanayay in ciidamada Kenya laga saaro Soomaaliya

Ciidamada Kenya ayaa ku sugan qeybo ka mid aj Jubadda Hoose iyo Gedo, waxaana marar badan lagu eedeeyay xadgudubyo ay u geysteen dad rayid ah.

Comments are closed