|

Badhasaabadda Gobollada Maraykanka Qaar ka mid ah Oo Diiday Qoxootiga Suuriya

Washington,17Nov,2015(QJ/SDN)-Qaar ka mid ah badhasaabada gobollada Maraykanka ayaa sheegaya inay diidi doonaan in qaxootiga Suuriya ay qaabilaan kaddib weeraradii Paris. Waaxda arrimaha dibadda ayaa sheegtay in Mareykanka uu qaabilayo 10 kun oo qaxooti Suuriya u dhashay ah sanadka soo socda.

Laakiin, tiro ka mid ah guddoomiyeyaasha gobolada ee xisbiga Jamhuuriga waxa ay tilaameen inaanay qaxootigaasi ku soo dhaweyn doonin gobolada ay maamulaan.

Sida uu madaxweyne Obama ka sheegay shirka dalalka G20 ee Turkiga ka dhacay, waxa uu dadka Maraykanka ku booriyay inay sii wadaan soo dhaweynta qaxootigaasi, oo aanay tallaabooyiinkaasi xakameynta ah qaadin.

Hase ahaatee, Rick Snyder oo ah gudoomiyaha Michigan ayaa waxa uu noqday qofkii ugu horeeyay ee tallaabadaasi ku dhawaaqa isagoo sabab uga dhigaya halista wax uu ugu yeedhay argagixisada. Ugu yaraan lix gobol oo kale oo ay ka mid yihiin, Taxes, Alabama iyo Arkansas ayaa tallaabadaasi mid la mid ah ku dhawaaqay.

Sidoo kale mid ka mid ah musharrixiinta ugu cadcad ee xisbiga Jamhuuriga, Ben Carson ayaa ku baaqay in tijaabo dhanka fikradda ah laga qaado qaxootiga ka hor inta aanay Mareykanka galin. Iyadoo taasi ay jirto, ayaa afhayeen u hadlay xoghayaha guud ee Qaramada Midoobeey, Ban Ki-moon waxa uu ku baaqayaa in laga damqado oo loo naxariisto qaxootiga Suuriya.

Stephane Dujarric waxa uu tilmaamay in dadkan ay yihiin kuwa kasoo qaxaya dhibaatada kooxda labaxday Qilaafada islaamka ee dalkooda ka taagan. Laakiin, Walaaca arrintan ayaa waxa uu u muuqataa inay tahay mid hadda ay ka fikirayaa inbadan oo ka mid ah dadka codkooda dhiibanaya.

Aragti cusub oo dadka laga uruuriyay waxa ay muujineysaa in inkabadan kala badh dadka Mareykanka ay rumeysan yihiin in qaxootiga Suuriya ay dalkaasi ka dhigi karaan meel amnidaro ay ka jirto.

Ma cadda awoodda ay badhasaabadan isticmaalayaan inay dadka ku joojiyaan marka ay isaga gudbayaan gobolada dalkaasi mar haddii Mareykanka ay gaadhaan.

Laakiin shaki kuma jiro in arrintan ay noqoneyso mid siyaasadeed oo aad u ballaadhan, ayna sii xoojineyso muranka ku saabsan soo galootiga.

Comments are closed