Degmada Tower Hamlets Ee London Oo La Filayo Inay Beri Aqoonsato Somaliland
London,17Nov,2015(QJ/SDN)-Degmada Tower Hamlets ee ka tirsan magaalada London ee dalka Ingiriiska, ayaa la filayaa in Arbacada beri la horgeeyo mooshin golaha degmadaas lagaga dalbanayo inay aqoonsadaan Somaliland.
Mooshinka Somaliland oo ay golaha horgaynayso xildhibaan Aamina Nirig oo ka tirsan xildhibaanada degmadaas , waxa la filayaa inay goluhu aqlabiyad ku meel mariyaan, waxaana la filayaa inuu goob joog ka noqdo wasiir ka tirsan dawladda Somaliland. Khamiista ayaa xarunta degmadaas lagu qaban doonaa dabaaldeg ay samaynayaan dadka reer Somaliland ee degen xaafadaas iyo guud ahaan kuwa London degen.
Ma jirto awood sharciyeed oo ay aqoonsiga degmadan iyo kuwii ka horeeyay u soo kordhinayaan qaddiyadda Somaliland, waxase ay noqon doontaa dedaal ay sameeyeen dadka reer Somaliland ee degen xaafadahan oo u muuqda in xildhibaanada ay doorteen ama ay dooran doonaan ay ka dalbanayaan inay aqoonsadaan wadankooda Somaliland.
Geeska