|

Wariye Axmed Xassan Cawke Oo Magaalada Jig-jiga Ku Geeriyooday

Hargeysa,17Nov,2015(QJ/SDN)-Alle ha u naxariistee waxa Saaka magaalada Jijiga ee xarunta dawlad deegaanka Somalida Itoobiya ku geeriyooday Wariye Axmed Xassan Cawke oo ka mid ahaa hormuudka suxufiyiinta Somaliyeed oo taariikh mug wayn ku lahaa Saxaafadda Afka Somaliga ku haddasha.

Marxuum Axmed Xassan Cawke waxa uu ka soo shaqeeyey warbaahinta caalamiga iyo kuwa maxaliga ah isagoo ka mid ahaa wariyayaasha dadka Somaliyeed ugu jeclaayeen barnaamijyadiisa.

Bahda Shabakadda Qurbejoog.Com waxa ay tacsi u diraysaa qoyskiisa guud ahaan bahda saxaafadda inta af Somaliga ku hadasha gaar ahaanna Saxaafadda Somaliland iyagoo uga tacsiyadaynaya geerida xaqa ah ee ku timid Alle ha u naxariistee Marxuum Axmed Xassan Cawke oo ku geeriyooday Jijiga .Waxaanay illahay uga baryayaan naxariis iyo dambi dhaaf.

Comments are closed