Maxaynu Ka Baranay Shirkii Golaha Dhexe ee Kulmiye? Warbixin Qore/ Xuseen Aadan Yuusuf (Xuseen Kurdi)
Hargeysa 17 Nov 2015 (SDN/QJ):- 10-kii bisha November 2015 goor hore oo subaxnimo ah waxaa Hotel maansoor ee magaalada Hargaysa ka furmay shirkii shanaad ee golaha dhexe ee Kulmiye oo mudadii ugu horaysay ee loo cayimay aan ka dib dhicin, laakiin u muuqday mid hawl badani ka horaysay, ahaana dhacdadii ugu hadalhaynta badnayd sadexdii bilood ee u dambaysay.
Qormadeenan waxaynu ku soo bandhigaynaa waxyaabihii aynu ka baranay ama ku ogaanay shirkaasi iyo natiijooyinkiisii.
- 1. Qabanqaabada Shirka Waxa Ka Qiimo Badnayd Qabsoomiddiisa
Hanaankii loo qabanqaabiyey shirka oo ahaa qaab dadweynaha qaarkood ugu yara muuqday mid dhinac ka raran marka loo eego xubnaha qabanqaabada hormuudka ka ahaa ayaa hadana dhanka kale markii uu bilaabmay waxa gudaha hoolka laga dareemayey xorriyad balaadhan inkastoo aanay heerkii laga doonayey gaadhsiisnayn, maadaama ay Madaxweynaha JSL iyo xubnihiisii shaqo ahaanta ugu ugu dhowdhowaa labo meelood u kala codeeyeen, sida xoghayntii Madaxweynaha, Safiirkii UAE, Wasiiradii Maaliyadda iyo Warfaafinta iyo xubno la mid ah oo u codeeyey musharax Xaglo-Toosiye halka Madaxweynaha Somaliland isna u codeeyey Musharax Cabdiraxmaan Saylici, taasina ay dhacday iyaga oo aan isku nicin oo xumaan ku kala qaadina ay ku dhamaatay hawshii codayntu, tani waxaa kaloo ay saamayn ku yeelanaysaa heerka ay gaadhsiisnayd madaxbanaanida shirku.
- 2. Madaxweynihii Labaad ee Afrika ee Ka tanaasula Musharaxnimo Xisbigu u Ogol yahay
Marka laga hadlayo arimaha siyaasadda waxa lagu macneeyaa in siyaasiyiintu aanay xukun la’aan noolaan Karin, waxana taas aynu xiliyo badan u aragnay si ficil ah xitaa marka aynu eegno dalalka inala jaarka ah sida Jabuuti, Itoobiya iyo Somalia wadaman oo qaarkood madaxdii haysatay bedeleen qodobkii dastuurka ahaa ee u ogolaanayey in labo jeer la soo doorto, iyagoo ka dhigay in sadex jeer la dooran karo, waana qayb ka mid ah hanaanka xukun ku noolaanshaha ee aynu kor ku xusnay.
Hadaba Maaxweynaha JSL Md Siilaanyo iskaba daa inuu mar sadexaad dastuur u bedelo’e waxa uu ka tanaasulay xaqiisii uu u lahaa inuu mar labaad isu soo taago musharaxnimada Madaxweynanimo ee Xisbigii uu isagu aasaasay ee Kulmiye, isagoo ku sababeeyey inuu doonayo inuu fursada u banneeyo jiilka dhexe ee xisbiga, abaalkani waxa uu u muuqdaa mid aanay gudi Karin hogaanka iyo xisbiyahanada Kulmiye mudada 100 sanadood ah ee soo socota.
3.Kulmiye waxa uu la kulmi doonaa Loollan adag
Xisbiga Kulmiye oo doorashadii Madaxweynanimo ee June 2010 helay aqlabiyadda codadkii la dhiibtay isla markaana ku guulaystay qiyaas ku dhow 50%, taas oo macnaheedu yahay inuu la cod ahaa isugaynta codadkii labada xisbi ee kale ayaa aqlabiyadaa waxaa loo aanaynayey faylasha ay ka mid ahaayeen Codbixiyayaasha oo ka niyad xumaa halka uu dalka marinayey xisbigii Udub oo sagaal sanadood xukunka hayey, musharaxii Kulmiye oo ahaa siyaasi ka aqoon iyo waayo aragnimo duwanaa musharixiintii kale isla markaana sitay kaadhka xiligaa wax goynayey ee Mujaahidnimada, gacan ay ka heleen ganacsatada waaweyn ee dalka iyo qurbojoogga, buugiisa ballanqaadada oo ay ku badnaayeen dalabaadkii dadweynuhu shacab iyo ciidan-ba sida furashada Ururo siyaasadeed iyo bixinta derejooyinka ciidamada, waxa kale oo guushoodii qayb ka ahayd Shaqaalihii dawlada oo aan mushaharooyinka sidii loogu talogalay u heli jirin, soo dhoweyn ay u sameeyeen cududii xisbiga Udub ka soo digo roganayey maalinba tii xigtay iyo shaqo wacan oo ay qabteen ragii ololaha horkacayey.
Xiligan Musharaxa Xisbiga ee la doortay Md Muuse Biixi Cabdi oo ah Gudoomiyaha Xisbigu waxa uu haystaa qaar ka mid ah faylashaa halka sidoo kalena ay ka maqan yihiin faylal muhiim ah, isagoo musharaxnimadiisu ku soo beegantay markii ugu horaysay ee ay si wadajir ah xisbiga uga cadhoodaan cudud balaadhan oo siyaasadeed, inkastoo ay hore u jirtay in muuse Biixi cadaadisyo badan ka soo gudbay, kana duulayo kaadhka waxqabadkii xisbiga ee Xukuumadii Madaxweyne Siilaanyo hadana ka midho dhalinta mas’uuliyadda uu isu taagay waxay ku xidhnaan doontaa shaqada uu ka qabto dib u habaynta xisbiga. Isagoo maskaxda ku haya in musharixiinta uu la tartamayaa aanay ka maqaam hoosayn, sida Md Cabdiraxmaan Maxamed cabdilaahi ( Gudoomiyaha Wakiilada) iyo Md Jamaal Cali Xuseen oo gacanta ku sita buugiisa lagu magacaabo (from Nomad to Harvard) guusha loo wakiishay Musharixiinta cusub ee kulmiye-na aanay u fududayn sidii 2010-kii. Oo uu iman karo loollan adag oo Madaxweynanimo.
- 4. Tartankii Xaglo Toosiye iyo Taladii Seegtay Musharixiintii Is baahaystay
Iyadoo Madaxweyne ku xigeenka JSL Md Cabdiraxmaan cabdilaahi ismaaciil saylici oo isu soo taagay Musharaxa Madaxweyne ku xigeenka ee xisbiga Kulmiye uu yahay mid xaq u leh inuu tartamo lana doorto sida uu xaqaas oo kale u leeyahay muwaadin kasta oo ku jira golaha dhexe isla markaana si kastaba ha ku helo codka cid kastaana ka taageerto’e uu ku guulaystay musharaxnimada ayaa waxauu mudan yahay in lagu hambalyeeyo sida uu yeelay Musharixii la tartamayey Md Xaglo Toosiye oo ahaa qofkii ugu horeeyey ee hambalyeeya Md Saylici.
Dhanka kale Dr Saleebaan Ciise Axmed xaglo Toosiye oo ah wasiirka wasaaradda caafimaadka JSL oo waxyaabaha ku dhiirrigeliyey inuu is sharraxo ay ka mid yihiin cududii ciyaarihii Gobolada uga soo qayb gashay deegaanka uu ka soo jeedo oo dhammayd shan gobol oo kala ah Sanaag oo ay qayb ka ahaayaan, Gobolka Badhan, Gobolka Xaysimo, Gobolka Sool iyo Gobolka Buuhoodle iyo taageerada ay u hayaan shacabweynaha Somaliland degmo kastaba ha ahaatee ayaa soo bandhigay tartan aan hore uga dhicin Dalkan JSL isagoo la tartamay cudud siyaasadeed oo ka kooban Madaxweyne ku xigeenkii wadanka oo shan sanadood ka shaqaynayey sidii uu u soo noqon lahaa taageerona ka helaya Gudoomiyahii Xisbiga iyo ku xigeenkiisii oo ay wadashaqayn la samaynayaan shir guddoonkii Golaha dhexe isla markaana madaxweynaha JSL uu xiligii doorashada ku naaxiyey codkiisii uu xaqqa u lahaa, isagoo Dr xaglo Toosiye ololaha musharaxnimadiisa waday muddo 20 cisho ah oo keliya codadkii uu helayna ay ahaayeen 35% tirada guud ee codadka doorashada.
Dr Xaglo Toosiye oo tartanka ka dib noqday cudud siyaasadeed oo balaadhan, tusaalena u noqday inay shacabka Somaliland xiligan u bisil yihiin inay waxqabad wax ku doortaan ayaa codadkii uu helay waxay kediso ku noqdeen dhamaan intii la socotay doorashada oo uu ugu horeeyo Gudoomiyaha Xisbiga ahna Musharaxa la doortay Md Muuse Biixi Cabdi oo ka duulaya tirada codadka ee xaglo-Toosiye ayaa khudbadii uu jeediyey markii la doortay si diblumaasiyadaysan u qirtay in hadii ay musharixiintii cadhooday la tartami lahaayeen ay isaga laftiisa ka badin lahaayeen.
‘Saaxiibadaydii kale ee musharixiinta ahaa ee manta inaga maqan waa niman wanaagsan oo aniga ii tudhay, waana niman sokeeye ah, waxaaan ugu tegi doonaa meel kasta oo aan kula kulmi karo xitaa haday tahay guryahooda’ sidaa waxa doorashadiisii ka dib yidhi gudoomiyaha Xisbiga Md Muuse Biixi, hadalkan oo macnihiisu yahay ‘ mar hadii Dr xaglo toosiye keligii helay 35% hadii ay raga maqan ila tartami lahaayeen way iga heli lahaayeen waayo waxa laga rabay oo keliya inay keenaan 16%, markaa way ii tudheen waana niman sokeeye ah.’
5.Badheedhihii Cabdillaahi Cukuse
Inkastoo Wasiirka Wasaaradda Warfaafintu la mid ahaa Wasiiro iyo mas’uuliyiin kale oo shirka fadhiyey oo codkooda u diiday Muuse iyo saylici, hadana Md Cukuse waxa u dheerayd inuu is dhextaago shirka kagana dhawaaqo mowqifkiisa, tani waa calaamad kale oo ka turjumaysay in shirku aanu ka madhnayn madaxbanaani, waxana siyaasiyiinta taageersanaa musharixiinta kale laakiin aaminsanaa in gudaha lagu tartamo ay qayb ka yihiin xisbiyahanada ugu horeeya ee uu baadi doonkooda geli karo hogaan doonaya inuu ka hawlgalo dib u habaynta Xisbiga dhaawacu ka soo gaadhay kala fikir duwanaanshihii hanaankii qabanqaabo ee shirweynaha.
- 6. Sadex musharax oo isku Gobol ka soo jeeda oo midna Xukunka haysan
Somaliland oo ay ka soo qabsoomeen doorashooyin Madaxweynanimo oo kala dambeeyey oo qaarkood ay codaynayeen ergooyinkii beeluhu qaar kalena dadweynuhu ayaa waxaa mar walba tartanku dhexmarayey Musharixiin ka kala yimid gobolo kala duwan laakiin maanta hadii aan mudada hadhay wax iska bedelin waxaa doorashada madaxweynanimo ee la qorsheeyey inay Somaliland ka qabsoonto rubuca hore ee sanadka 2017 ku tartami doona sadex musharax oo ka soo wada jeeda Gobolka Maroodijeex.
Dhanka kalena markii ugu horaysay taariikhda tartanka madaxweynanimo ee Somaliland ayaa waxa uu tartanka soo socdaa dhexmari doonaa sadex musharax oo aan midkoodna ku fadhiyin kursiga madaxtooyada ee midkood loo bannayn doono.
- 7. Maqnaashaha qorshe labaad oo Siyaasadeed
Xisbiga ama siyaasiga Tartamaya xilli doorasho waa in uu leeyahay qorshayaal is dabayaal oo hadii uu ka hore waayo uga guurayo ka labaad, arintanina waa mid aynu ku ogaanay inaanay barnaamijka ugu jirin siyaasiyiinta Somaliland, gaar ahaan kuwii shirkan qabsaday ee kulmiye
Hadaynu ugu horayno isbahaysigii musharixiinta ee madasha shirka ka maqnaa waxay ololahooda wadeen muddo dheer , inkastoo qaybtii hore ee ololaha aanu jirin qorshe ay ku midaysnaayeen , waxana horyaallay fursado ay weli awoodda kaga sii mid ahaan lahaayeen kuwaas oo ay qaadan lahaayeen hadii ay leeyihiin qorshe labaad oo ay uga gudbi doonaan hadii ay waayaan guusha musharaxnimada si kastaba ha ku waayaane.
Furasadahaas waxaa ka mid ahaa in hadii uu guulaysto musharaxa ka soo horjeeda (Muuse Biixi) ay hoos dhigi lahaayeen Madaxweyne ku xigeen iyagoo awoodda isugu gayn lahaa inay safkooda ka soo saaraan Madaxweyne ku xigeen u gala xarunta madaxtooyada una ilaaliya danahooda iyo himilooyinkooda siyaasadeed ee mustaqbalka, laakiin maqnaanshaha qorshe labaad oo ay ku xisaabtamaan waxa uu keenay inay xilli kooban gaadhi kari waayaan go’aan u asteeya hanaan ay kaga qayb galaan tartanka doorashada, iyo siyaasad ay ku hawlgeliyaan gacantana ugu sii hayaan xubnihii golaha dhexe ee taageersanaa.
Dhankiisana Musharixii waayey tartanka Madaxweynanimada Dr Saleebaan Xaglo Toosiye waxa uu u muuqday in aanu lahayn qorshe labaad oo uu sii dejiyey markii uu bilaabayey tartanka isagoo qayb ka mid ah khudbadii uu jeediyey doorashada ka dib ku sheegay inuu la tashanayo taageerayaashiisa, waxa uu yeeli doono.
Musharixiintii la doortay laftoodu marnaba ma soo bandhigin qorshayaal labaad oo ay yeeli doonaan hadii laga guulaysto, laakiin waajibaadka uu saaray xilalka xisbiga ee loo doortay ayaa fulintoodu waxay iyaga u noqon doontaa qorshahooda labaad.
- 8. Midnimada Somaliland Waa laga wada Raalli
Ku dhawaaqistii Musharaxnimadiisa iyo bilowgii ololihii Dr Saleebaan Ciise axmed (Xaglo-Toosiye ) waxa ka soo baxday daraasad aan cidina diyaarinteeda isku deyin taasoo ah heerka ay gaadhsiisan tahay midnimada shacabka Somaliland iyo sida loogu wada xisaabtamayo qaranimada Somaliland. Loona taageerayo cid kasta oo wax qabad lagu majeerto.
Musharaxnimada Somaliland ayaa taageero dadweyne kala kulantay Gobolada bariga fog ee Somaliland iyadoo degmooyin badan laga qabanqaabiyey isu soo baxyo lagu taageerayo go’aankiisa musharaxnimo, meelo kale oo isla deegaanadaas ahna ay waxgaradku ka ga hadleen warbaahinta sida ay u barbar taagan yihiin Dr Saleebaan Ciise, waxana ay guud ahaan qaybaha bulshada ee goboladaas ku dhaqani ballanqaadeen inay ka shaqaynayaan sidii doorashooyinka soo socdaa uga qabsoomi lahaayeen goboladooda.
Ka midho dhalinta musharaxnimada Xaglo-Toosiye darteed waxa Magaalada Hargaysa u yimid Suldaanka guud ee Bariga Somaliland, Suldaan Siciid Suldaan C/Salaan Suldaan Maxamuud oo qayb weyn ka qaatay hawshii ololaha, gudoomiyaha gudiga ololihiisana waxaa ahaa Maxamuud Garaad Maxamed Garaad Maxamuud waxa kale oo ay hawsha asi midaysay siyaasiyiintii goboladaa ka soo jeeday ee Hargaysa ku sugnaa.
Arimahani waxay caddayn u yihiin in meel kastaba ha joogaane ay dadweynaha Somaliland ka raalli yihiin qaranimadooda, inta maqanina ay tirsanayaan oo keliya tabashooyin ku kooban qaybsiga awooda siyaasadeed, ta maamul iyo ta kheyraad ee Dalkan JSL.
- 9. Ammaanka Dalka waa La wada Ilaashanayaa
Xiisadda ka dhalatay kala fikir duwanaanshihii xubnaha golaha dhexe ee Kulmiye ma noqon mid ammaan ahaan saamaysa dalka iyadoo dhinacyadii kula qaybsamay hanaanka loo qabanqaabinayo shirka iyo taageerayaashooduba aanay ku fekerin talaabooyin wax u dhimaya nabadgelyada ay Somaliland ku soo naaloonaysay mudada dheer , ahna shayga ay kaga duwan tahay meelo badan oo Gobolka ka mid ah.
NB/ Hadaan cid ku xadgudbay ha la iga raalli ahaado
Qore/ Xuseen aadan yuusuf (Xuseen Kurdi)
Phone: 63-4491178 ama 63-4242172
E-mail: xuskurdi@gmail.com ama shaxdafilms@gmail.com