Axmed Muumin Seed Oo Godkiisa Biyo Ugu Soo Galeen Iyo Masuul U Tartami Doona Madaxweyne Ku Xigeenka Xisbiga Waddani Oo Barri Hargeysa Soo Caga Dhigan Doona SAWIRRO
Hargeysa,Nov,2015(QJ/SDN)-Maalmahii ugu dambeeyey waxaa magaalada Hargeysa si weyn loogga dareemayey qaban-qaabada soo dhaweynta Diblomaasi-sare/Aqoonyahan/Dr.Maxamed Cali Cabdi oo ka tirsan mas’uuliyiinta xisbiga WADDANI isla mar ahaantaana la filaayo in uu Madaarka Hargeysa kaga dhawaaqi doono murashaxnimada Madaxweyne xigeen ee xisbiga WADDANI, ka dib markii maalmahii ugu dambeeyey guddoomiye xigeenka xisbigaasi uu olole siyaasadeed oo uu ku baraxanaayo murashaxnimada madaxweyne xigeen uu ka waday magaalooyinka Hargeysa iyo Boorama.
Dr.Maxamed Cali Cabdi, ayaa immaatinkiisa aad loogga sugayaa guud ahaan dalka, gaar ahaanna si weyn loogga saadaalinayaa magaalada Boorama in uu noqdo murashaxa madaxweyne xigeen ee xisbiga WADDANI sida ay noo xaqiijiyeen dad ku sugan magaalada Boorama oo xidhiidh toos nala soo sameeyey.
Aqoonyahan/Dr. Maxamed Cali, oo la filaayo in uu maalin ka dib dalka soo gaadho, ka dib socdaal shaqo uu muddooyinkii dambe ugu maqnaa dalka dibaddiisa, ayaa waxaa madaarka caasimadda Hargeysa, ku qaabili doonna sida oo kalena ka qeyb-qaadan doonna soo dhaweyntiisa mas’uuliyiinta ugu sar-sareysa xisbiga WADDANI, hoggaanada, guddiyada fulinta, garabbada haweenka, dhallinyarta iyo taageerayaal kale oo aad u tira badan.
Dr.Maxamed Cali Cabdi oo ah mas’uul ka soo jeeda gobalka Awdal, sida oo kalena ah aqoonyahan ahna diblomaasi-sare oo ku xeel dheer aqoonta diblomaasiyadda iyo xidhiidhada caalamiga ah, horena bare-sare uga soo noqday jaamacaddo ku yaala dalka Mareykanka, ayaa inta badanna lagu tilmaamaa in uu xidhiidh iyo saaxiibtinnimo dhow la leeyahay guddoomiyaha xisbiga WADDANI Md.Cabdiraxmaan M.Cabdillaahi (Cirro), waxaana dadka ka inta badan dadka u dhuun dalloola siyaasaddiisu ay ku tilmaamaan in uu yahay nin qunyar socod ah oo ay isla jaan qaadi karaan siyaasadda guddoomiyaha xisbiga WADDANI Md.Cabdiraxmaan Cirro.
Ugu dambeyntiina sida aad ka turjuman kartaan muuqaaladda sawiradda Aqoonyahan/Diblomaasi-sare/Dr.Maxamed Cali Cabdi, ayaa u muuqda mid kalsooni badan ka haysta dhinaca guddoomiye Cirro, waxaana xeel dheereyaasha arrimaha siyaasadda Somaliland-na ay tilmaamayaan in diblomaasi Dr.Maxamed Cali Cabdi uu yahay mas’uulka ugu dhow xisbigaasi ee la filaayo in uu noqdo murashax madaxweyne xigeen.
SAWIRRANI, WAA WAKHTI HORE: