“Anagu Intii aanu ku Maqnayn Halgankii SNM Waad Og Tihiin,Cidna Nooma Juuqin Dawlad Gar Maadato ah Ayaa Na Heshay, Laakiin Idinka Iyo Suldaan Wabarba Mid ayaa Idin seegtay..” Mujaahid C.raxmaan Tolwaa Madaxweyne Ku Xigeenkii Hore Somaliland DAAWO
Hargeysa 17 Nov 2015 (SDN/QJ):- Madaxweyne ku Xigeenkii hore ee Somaliland Mujaahid C.raxmaan Aw Cali Faarax oo ka qayb galay Kulan lagu soo dhawaynayay Raaci Kowaad ee Jab’had beeleedkii uu hogaaminayay Suldaan Wabar ayaa hoga Tusaaleeyay in Markii ay Talaabeen kana qayb galeen Halgankii SNM ay ku qaadatay Mudo Toban sanno ah inay ka midho dhaliyaan Guushii ay rabeen,Waxaanu xusay in dawladii xiligaas jirtay ay ahayd Mid keli talis oo aan waxba maqlayn,Inkasta oo uu sheegay in hadii ay wax maqlayso ay wada hadal la geli lahaayeen.
Mujaahid C.raxmaan Aw Cali Faarax Waxa uu si cad u sheegay qodob sheegay Kooxda uu hogaaminayay Suldaan Wabar ee haatan ka Toobad keenay Khaladkii ay galeen.