Ciidamada Maraykanka Oo Lagu Arkay Kaymaha Boni oo ay Isku Hor Fadhiyaan Ciidanka Kenya iyo Al-shabaab
Nairobi,16Nov,2015(QJ/SDN)-Wargeyska The Daily Nation ee Kenya ayaa waxa uu maanta qoray in Ciiddan ka tirsan Mariniska Maraykank ay ku sugan yihiin Kaymaha Boni oo ay Alshabaab iyo Ciiddanka Kenya ku hirdamayaan.
Wargeyska waxa uu qoray in Marinka Maraykana ay xidhan yihiin Jaakadooyinka aanay xabbaduhu ka dusi Karin, waxayna ku socdaalaan Gawaadhida Gaashaaman ee Milliteriga.
Ciiddanka ayaa lasheegay inay ilaalo u yihiin Agaasimaha Hay’adda Maraykanka ugu qaabilsan Horumarinta Caalamiga ee USaid, John Smith Sreen, kaasi oo indha-indheynayo Dhismaha Mashaariic lagu taageeri karo Dadka Deegaanka.
Agaasimaha Hay’adda USaid waxa uu la hadlay Odayaasha ku nool Deegaanka Mukowe oo ka tirsan Dhul-weynaha Lamu, wuxuuna xusay inay adag tahay in Nabad lagu soo dabaalo Deegaan aanay haba yaraatee ka jirin Wax Horumarin ah.