Iska Hor Imaad Dhexmaray Ciidamada Dowladda Soomaaliya Oo Dhimasho iyo Dhaawac Sababay
Muqdisho,16Nov,2015(QJ/SDN)-Inta la xaqiijiyay 7 qof ayaa ku dhintay 19 kalena waa ay ku dhaawacmeen, is-rasaaseyn ciidamo ka wada tirsan kuwa dowladda ku dhex martay Jaamacadda Gaheyr ee Degmada Hodan ee magaalada Muqdisho.
Dadka dhintay oo haween u badan ayaa ah barakacayaal loo qeybinayay kaadhadhka raashinka mucaawinnada ah lagu qaato, in kastoo dhaawacana ay ku jiraan ciidamadii dagaallamay.
Haweenay BBC-da la hadashay ayaa sheegtay in isku dhacu bilaamay markii askartu is khilaafeen “ Waxaa nala yidhi saf gala waa la idin sawirayaa, kadib Askari ayaa Ul dadka ku nidaaminayay mid kalena wuxuu ku yidhi ka daa, kadib Askarta ayaa iskula baxay xabad, Ilmihii aan watay madaxa ayay xabadi kaga dhacday, anigana gacanta ayay iga dhaawacday,” ayaa ka mid ahaa hadalka haweenaydan.
Illaa hadda ma jiro war dawladdu ku faahfaahisay sababta ciidankeedu isku dileen, lamana oga in cidii falkaasi gaysatay gacanta lagu hayo iyo inkale, balse marar badan ayay dhacdaa in ciidamada Somalia iska hor yimaadaan.