|

Hargeysa: Qaar Ka Mid Ah Ardayda Dugsiyada Sare Oo Cabasho Ka Muujiyay Deeqo Waxbarasho iyo Mudaharaad La Filayo

MUDAHARAADHargeysa,16Nov,2015(QJ/SDN)-Ardaydii ka Baxday Dugsiyada Sarre sannadkan ayaa Cabasho weyn ka muujiyey Musuqmaasuq ay sheegeen  in Masuuliyiinta Wasaaradda Waxbarashadu ku  sameeyeen Deeqihii Waxbarasho ee Wasaaradu ka helijirtay Waddamada Jaarka ah.

Dugsiyada Cabashada ugu weyni ka soo yeedhay ayaa kala ah Dugsiyada Sarre ee Faarax Oomar iyo Dayib Guray kuwaasi oo wasaarada ku eedeyey in Ardaydii deeqda Waxbarasho ka heshay Iskuuladaasi laga reebay ardaydii loo diray dalka Itoobiya.

Xogo warbaahintu ka heshay kulan ardayda cabashada qabtaa la qaadatay wasiirka cusub ee waxbarashada ayaa sheegaya inay faro madhnaan kala noqdeen wasiirka, kuna qanciyay inay mar kale ku soo noqdaan, islamarkaana aanay jirin Deeq uu u hayo.

Warar Hoose Wargeyska Waaheen helay ayaa  sheegaya in Ardayda Dugsiyadaasi soo Abaabulayaan Mudaharaado ka dhan ah Wasaaradda Waxbarashada, warku waxa  uu intaasi ku darayaa in Goobaha wax lagu daabaco logu arkay Boodhadh ay ardaydaasi sameysanayeen kuwaasi oo halku dhigyo looga  dhigay Dawladu waxa ha ka qabato Musuqmaasuqa hadheyey Deeqihii waxbarashada ee Wasarada waxbarashada la siinjiray

Wali ma cad wakhtiga ay ugu tallo galleen in ay banaanbaxasi ay qabtaan Balse warar aanu helayno ayaa sheegaya in Mudaharadka ardayda uu soo dadajiyey ka dib markii Shalay kulan ay yeeshen ardaydaasi cabanaysay iyo Maamulka wasaaradaasi aanay wax midho dhal ahi ka soo bixin , isla markana ay ardaydu ku qanciwayday hadaladii kaga yimid maamulka wasaradda.

Wasiirka Waxbarashada Somaliland Cabdilaahi Dheer ayaa Dhawaan  wasaaradaasi loo soo magacaabay balse illaa hada wasiirku waxba kamu qabban cabashooyinkaasi ka soo yeedhay Ardaydii Deeqaha waxbarashada helay ee ku doodaya  in la Musuqmaasuqay.

 

Comments are closed