“Ciidamada Kenya Waa Ciidamo Akhlaaq Wanaagsan, Wax Dhibaato Ahna Uma Gaystaan Shacabka Ay La Joogaan..’’ Madaxweyne Ku-xigeenka Jubbaland
Nairobi,16Nov,2015(QJ/SDN)-Maamulka Jubbaland ayaa ka hadlay darbiga dowladda Kenya ay ka dhisayso soohdinta xuduudka u dhexeeya labada Dal ee Soonaaliya iyo Kenya.
Madaxweyne ku xigeenka Maamulka Jubbaland Cabdiqaadir Xaaji Maxamed Lugodheere, ayaa sheegay in dowladda Kenya ay joojisay darbigii ay ka dhisaysay xuduuda labada dal, waxaana uu xusay in madaxweynaha maamulka Jubbaland uu arrintaasi kala hadlay dowladda Kenya.
Mr. Lugo-dheere, oo la hadlayay Idaacadda Codka Mararykanka ee VOA isagoo ku sugan magaalada Nairobi ee Xarunta dalka Kenya ayaa waxa uu yidhi ‘’Arrimahaasi madaxweynaha dowladda Goboleedka Jubbaland waa uu kala hadlay dowladda Kenya, arintaasna waa la joojiyay, wada hadal baa laga yeelanayaa, sideedana deegaanada laga hadlaayo hadday berriga tahay iyo hadday badda tahay waxay ku yaallaan Maamul Goboleedka Jubbaland, dowladd goboleedka Jubblandna waxay Xubin ka tahay dowaldda Federaalka Soomaaliya, dowladda Federaalka ee soomaaliya iyo jubbaland si wadajir ah ayay arrimahaasi ugala wada hadlayaan dowladda Kenya, haddana gaar ahaan waanu kala hadalnay waa la joojiyay, wada hadal baana la iskaga imaanayaa, wax xiisad ah oo ka imaanayaa in aanay jirin baan u malaynayaa, anaku taako ka mid ah dhulka Soomaaliya inay Kenya soo hungurayso uma ogolin, iyaduna ma soo hungurayn kartaba..’’
Geesta kale Cabdiuqaadir Lugodheere waxa uu ka hadlay eedeymo loo soo jeediyay ciidamada Kenya ee ku sugan deegaanada jubbaland, eedaas oo ahayd in ciidanka Kenya ay cashuuro ka qaataan sonkorta iyo dhuxusha laga dhoofiyo dekedda magaalada Kismaayo, isagoona Luqo-dheere ciidanka Kenya ka difaacay eedayntaas loo soo jeediyay, sidoo kale Lugo-dheere waxa uu ammaan dusha u saaray ciidanka Kenya ee Soomaaliya ku sugan ‘’Ciidamada Kenya iyo Maamulkayaguba eedaas loo soo jeediyay wax ay ku shuqul leeyihiin ma jirto, Ciidamada Kenyana Ciidamada AMISOM ee Soomaaliya Yimid waa Ciidamada ugu akhlaaqda wanaagsan ugu disibiliin wanaagsan, oo marnaba wax dhibaato ah u gaysan shacbiga ay la joogaan, isla markaana aanba faro gashanin arimaha ku saabsan waxa hadda la sheegaayo. Waa dad aad iyo aad u dhowrsan…’’ ayuu Yidhi Cabdiqaadir Xaaji Maxamed Lulogdheere, oo ah madaxweyne ku xigeenka Jubbaland.
Ugu danbeyntii, Todobaadkii hore ayay ahayd markii la sheegay in ciidamada dowladda Kenya ay Bur-buriyeen calaamadihii muujinaayay xuduuda u dhaxaysa Soomaaliya iyo Kenya, iyadoona la sheegay in dowladda Kenya ay rabto in ay kusoo durugto xuduuda dalka Soomaaliya, Arrintan ayaa waxa ka dhalatay qalo-dhaan iyadoona shacabka soomaaliyeed ay aad uga qayliyeen.
QJ/SDN: Hargeysa,Somaliland/Office