Ciidamada Dowladda Soomaaliya Oo Ugu Yaraan 8 Ruux Oo Dadka Shacab Ah Ku Laayay Magaalada Muqidhso
Muqidisho,16Nov,2015(QJ/SDN)-Wararka naga soo gaadhaya Magaalada Muqidhso ee Caasimadda Dalka Soomaaliya ayaa sheegaya sheegaya in Ciidamo katirsan Daraawiishta Dowlada Federaalka Soomaaliya ay goordhaw dad shacab ah ku laayeen Xaruntii Jaamacada Gaheyr ee Magaalada Muqdisho.
Ciidamo uu wato sarkaal katirsan Ciidanka Daraawiishta ayaa la sheegay in ay weerar ku qaadeen goob katirsan Jaamacada Gaheyr, halkaas oo Maamulka Degmada Dayniile dad Shacab ah ugu qeybinayeen kaadhadh.
Rasaas ayaa mar qudha lagu bilaabay goobtaasi ay ku sugnaayeen dad badan oo Shacab ah una badnaa dad masaakiin ah oo saf ugu jiray in ay helaan kaadhadh maalmahan laga qeybinayay Degmooyinka Gobolka Banaadir.
In ka badan 8-qof oo u badan Shacab ayaa goobtaasi ku dhintay waxaa sidoo kale jira dhaawacyo iyana dad badan oo shacab ah soo gaadhay , kuwaas oo hada laga daad gureenayo goobta uu weerarku ka dhacay.
Ciidamo katirsan booliiska iyo Nabad Sugida Degmada Dayniile oo gaadhay goobta uu weerarku ka dhacay ayaa bilaabay inay halkaasi ka qaadaan meydadka dadka la dilay iyo dhaawacyada, waxaana goobtaasi ka taagan xaalad aad u xun waxaana daadsan dhiig badan.
Waxaa suurto gal ah in khasaaraha dhimasho iyo midka dhaawac ay ka bataan inta aan hada ognahay, Ciidamadii weerarka geestay ayaa lagu soo waramaya in ay wali ku sugan yihiin halka ay dadka badan ku laayeen.
Geesta kale, Lama garanayo illaa haatan sababta falkan ka danbeysay, mana jirto cid ilaa haatan ha hadashay dadkan shacabka ah ee halkaasi lagu laayay.
Waxii Warar ah ee kusoo kordha kala Soco Wararkayaga Dambe Insha Allah