Dawladda Hoose oo Xoolaha Caasimadda lagu dhex-arko ku caawinaysa Cusbitaalka & Qorshaha ay kaga qayb-qaadaneyso dhismaha qaybta Gurmadka deg-degga ah
Hargaysa 16.Nov 2015 (SDN/QJ):- Dawladda hoose ee Hargeysa, ayaa sheegtay inay ka qayb-qaadanayso dhismaha Qaybta gurmadka deg-degga ah ee Cusbitaalka guud ee magaalada Hargeysa, isla markaana Neef kasta oo Xoolo ah oo lagu dhex-arko Caasimadda oo la basrin waayo inay Hilib ahaan ugu caawin doonto Cusbitaalka.
Maayerka Magaalada Hargeysa Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid (Soltelko) oo kormeer ku tegay Cusbitaalka guud ee Caasimadda, isla markaana gaadhsiiyey Deeq Hilib ah oo loogu talo-galay dadka Bukaanka ah ee ku jira, waxa uu ballan-qaadey in dawladda hoose sannadka foodda innagu soo haya ee 2016-ka ay 50.000, oo Doollar ku darayaan qaybta gurmadka deg-degga ah ee Cusbitaalka guud ee Hargeysa.
“Annagoo sannadkan iibsanay Alaab badan oo dayntiina iska bixinayna haddana ka qayb-qaadashada Caafimaadka awgeed $ 50.000 dollar si ay qayb uga noqoto dhismaha qaybta gurmadka deg-degga ah ee Cisbitaalka guud ee Hargeysa.” Sidaa ayuu yidhi Duqa Caasimaddu.
Maayerka Caasimadda oo sii watay hadalkiisa waxa uu yidhi; “Waa qodobka labaad ee had iyo jeer waxaannu dadka ugu taagi-weynay Magaalada kala baxa Xoolihiinna, markaa Neef kasta ama Geel ha ahaado ama Lo’ ha ahaadee waxa u baahan dadkeenna Buka’e waxaannu keeni doonnaa Cusbitaalka.”.