|

Magaalada Garoowe oo laga mamnuucay Shirar looga hadlayo Hiigsiga Cusub ee Soomaaliya 2016-ka

Garowe,15Nov,2015(QJ/SDN)-Maamulka gobalka Nugaal ee Puntland ayaa sheegay in gobalkaas aan lagu qaban karin shirar la xiriira Hiigsiga Somalia ee sannadka 2016-ka, illaa kuwo maamulka ogol-yahay maahane.

Guddoomiyaha gobolka Nugaal, Cumar C/llaahi Faroole oo warbaahinta kula hadlay Garoowe ayaa sheegay in maalmahan dambe ay magaaladaas kusoo kordheer siyaasiyiin sheegaya inay ka tashanayaan arrimaha Hiigsiga 2016-ka ee Somalia, sidoo kalena ay doonayaan inay taladooda Muqdisho u gudbiyaan.

“Ciddii isku dayda inay dadkeenna afduubto oo hadba qolo luuq la gasho si ay qalbiga uga xadaan, maanta wixii ka dambeeya ma ogolaanayno, waxaana ku baaqayaa in laga feejignaado in shirar looga hadlayo Hiigsiga 2016-ka Nugaal lau qabto,” ayuu yidhi Cumar Faroole.

Sidoo kale, guddoomiyaha gobalka Nugaal ayaa ugu baaqay milkiilayaasha leh hoteellada ku yaalla gobalka inaysan aqbalin shirar aanu maamulku la socon in hoteelladooda lagu qabto, inkastoo uusan sheegin tallaabo ay ka qaadayaan haddii lagu qabto.

Guddoomiyaha Nugaal ayaa hadalkiisa wuxuu imaanayaa iyadoo xilliyadii ugu dambeeyay ay shirar looga hadlayo Hiigsiga cusub ee Somalia 2016-ka ay ka dhacayeen magaalada, taasoo ay aragiyadooda ka dhiibanayeen siyaasiyiinta ku noonl gobolkaas.

Ugu dambeyn, amarkan ayaa wuxuu imaanayaa iyadoo lagu wado in sannadka 2016-ka ay Soomaaliya ka dhacdo doorasho, inkastoo aan weli la isku afgaran nooca ay noqonayso doorashadaas.

 

Comments are closed