“Weeraradii argagaxiso ee ka dhacay Paris,waxay ahaayeen arin naxdin iyo qaracan badan” Madaxwaynaha Somaliland oo Ka Hadlay Weerarkii Paris ee Dalka Faransiiska.
Hargaysa 14.Nov 2015 (SDN/QJ):-Madaxwaynaha Somaliland Axmed Siilaanyo ayaa ka hadlay weeraradii aragagixiso ee ka dhacay dalka faransiiska,isagoo sheegay inay ahaayeen kuwo xanuun iyo qaracan badan leh.
Madaxwaynaha Somaliland waxa uu cambaareeyay weerarkaasi maalintii shalay ka dhacay magaalada Paris ee ay dadka badan ku dhinteen.
Warsaxaafadeed arintan lagag hadlayo oo ku socda dalka Faransiiska kana soo baxay xafiiska Madaxwaynaha Somaliland ayuu ku cambaareeyay falkaasi ka dhacay dalka Faransiiska.
“Weeraradii agagaxiso ee ka dhacay Paris,waxay ahaayeen arin naxdin iyo qaracan badan,Madaxwaynaha Somaliland Axmed Siilaanyo,isagoo ku hadlay magaciisa iyo kan Somaliland ,waxa uu si adeg u cambaaraynayaa qaraxaasi ka dhacay dalka Faransiiska oo ka baxsan bili’aadanimada”Warsaxaafadeedka Madaxtooyada.
“Weeradad wuxuushnimada ahi waxay ahaayeen isku day fool xun inay laayaan dad rayid ah oo aan waxba galabsan ,waxaanu ahaa weerar ka dhan ah qiyamka aadanime”ayaa lagu yidhi warsaxaafadedka ka soo baxay aqalka Madaxtooyada Somaliland.
“Dhacdadaa aad ayaanu ugama murugaysanahay,waxaanu dadka reer Faransiis la wadaagaynaa Murugadaa,Dawlada Faransiis iyo qoysaska ku dhibtu soo gaadhayba waanu ka tacsiyadaynaynaa”ayaa lagu soo gabagabeeyay warsaxaafadeedka ka soo baxay aqalka Madaxtooyada Somaliland.