Xiliga iyo Goobta lagu qabanayo shirarka wada tashiga heer qaran ee Hiigsiga 2016
Garowe 15.Nov 2015 (SDN/QJ):- Dowladda Puntland ee Soomaaliyeed ayaa dadaal dheer u gashay in shirar isku mar dhacaya oo looga tashanayo wadatashiga heerka qaran iyo doorashada 2016 lagu qabanayo todobo magaalo oo Puntland ka tirsan.
Magaalooyinka lagu wado inay shirarkaasi ka qabsoomaan ayaa lagu sheegay inay kala yihiin Boosaso, Qardho, Badhan, Garowe, Boocame, Tukaraq iyo Gaalkacyo, kuwaasoo dhammaan shacabka ay kaga hadlayaan aragtidooda ku aadan siday u arkaan doorashada soo socota iyo qaabka ugu wanaagsan ee loo qaban karo.
Kooxdii howshaan ka shaqayn lahayd ayaa tababar loogu soo gaba-gabeeyay xarunta wasaradda caafimaadka ee magalada Garowe, wasiiradda ka hadlayna waxaa ka mid ahaa wasiirka Shaqada iyo shaqalaha iyo wasiirka Deegaanka oo sheegay in dowladda Federaalka sheegtay in dhaqaale u hayso shirarkaasi magalooyinka Garowe iyo Bosaso.
Balse wasiirka Deegaanka oo arrintan dowladda Puntland u xilsaaray ayaa Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya u diray warqad uu ku cadaynayo shirarka Hiigsiga in todobo magaalo ku qabanayaan oo ay dhaqaalaha ku baxaya Puntland iska bixinayso, maadama xaga DFS labo magalo ugu talogashay.
Shirarka watashiga heerka qaran ayaa Puntland ka qabsoomaya 16-ilaa 17-ka bishan kuwaasoo go’aamada kasoo baxa dareenka shacabka loo gudbinayo DFS si loogu dabaqo kuwa kale ee gobaladda kasoo baxaya.
Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa gobaladda kala ee dalka u qorshaysay shirarkaasi inay ka dhacaan magaalooyinka Cadaado,Baladdweyne,Baydhabo,Muqdisho,Jowhar iyo Kismaayo.
Puntland oo qayb ka ah dowladda dhexe ee Soomaaliya ayaa dadaal ugu jirta inaan dib loogu noqon habkii lagu soo doortay madaxwayne Xasan Shiikh Maxamuud, loona gudbo nidaam kale maadama sidii loogu talo galay markii hore aysan u dhici doonin doorashada soo socota.