|

Bulshada Boorame Oo Ka Dareen Celiyay Doorashadii Golaha Dhexe Ee KULMIYE, Wasiir Cukuse-na Ku Taageeray Mowqifkiisii

Hargaysa 15.Nov 2015 (SDN/QJ):- Iyada oo ay wali dadku la dhacsan yihiin hanaankii uu u qabsoomay shirkii  5aad ee Golaha dhexe  Kulmiye iyo doorashadii xalaasha ahayd ee ka dhex dhacday ee lagu doortay Musharax Muuse Biixi Cabdi Iyo Musharax Cabdiraxmaan cabdilaahi Ismaaciil Saylici, ayaa dadwaynahu waxa ay mar kale dareen soo dhawayn iyo dib u milicsi ah ka bixiyeen saaxadii tartanka furani ka dhacay ee 10kii bishan.

muuse-saylici-4

Caaqil Yuusuf Galyaan oo dareenkiisa Cabiray ayaa yidhi “Waxwalba oo dhacay waan daawanaynay, wax qalad ahna maanaan arkayn, waxa ay ahayd doorasho xor ah oo xalaal ah oo dadwaynuhu gar wadeen ka haayeen, iyada oo lagala socday Muuq-gudbiyaha, waxaan leenahay cida leh, halkaas wax qalan baa ka dhacay waa cid iyadu qalad aan jirin inay abuurto hor kacaysa, waanan ka xunahay in rag doonaya hogaanka dalka inay qabtaan ay hadana umada qas horleh rabaan inay u horseedaan, Madaxwayne Siilaanyo waa rug cadaa talo meel dhigay, Musharixiinta la doortayna waa mudan yihiin in la hambalyeeyo oo la is daba taago, iyaga ayaanan qabnaa inay yihiin kuwo dalkan lexejeclada ka qaba ee tubtii Siilaanyo hayn doona inay yihiin”

 

Madiino Xasan Cilmi oo ah gabadh dhigata jaamacada ayaa iyaduna tidhi “Wasiir Cakuuse ha ka bartaan casharka u baahan in wax lagu qaato kooxda leh wax baa qaldan ee hadalka qalalan TV yada isla soo taagaysaa, waxa ay umadu wada arkaysay ee idinka sida kale idiinku muuqday garan maayo waxa ay yihiin, laakiin mid baa idin seegtay, waxana ay ahayd taasi inaad is keentaan saaxadda oo aad tartantaan, bal markaas aan aragno sida idinka weecsata wax aad xaq u leedihiine, laakiin taasi ma dhicin oo kalsooni daro ayaa idin maqnaysiisay, maantana wadar iyo waaxid ayaa tihiin, oo waaxidkiina ayaa qaldan”

 

 

“Ma qabo anigu in wax qaldameen, una malayn maayo in ay indhahaygu ka been sheegayaan wixii aan daawanayay ee ahayd doorahada, waxananse rabaa inaan xuso in waxwalba ay u dhaceen si cad oo la wada arkayay, waar raggu calool adagkaa, ilayn meel walba hadii wax ka dhex raadiya la yidhaa waa laga soo saari karaa, balse umada been looma sheegi karo, lagama been sheegi karo waxii aan daawanaynay ee ahaa doorashada xorta ah ee xalaasha ahayd, hadii ay wax qaldameena, waxa ka biyo diidi lahaa Xaglatoosiye oo isagu ahaa midka kaliya ee tartamay, sidii uu u aqbalay natiijaduna waxa ay la micno tahay in wax walba oo xalaal ahaa” Ayuu yidhi Cabdi Maxamed Camuud.

 

Anigu wax walba way ii muuqdeen, waa wax walaba oo madasha ka dhacay, hal qof iyo halcod ayaa loogu codeeyay musharixiintii tartantay, waxana lagu doortay cidii calaf u lahayd oo ah Saylici iyo Muuse Biixi, wax intaas la dhaafinayaa ma jirto, Waxa kale oo ii cadayd in kooxdii ka maqnayd shirku ay sheegi doonaan wax ka duwan wixii ay arkayeen dadkii gudaha ku jiray ee codka bixinayay, waxana aan leeyahay kooxdaas, sidayda oo kale ayaad TV ka daawanayseen doorashada Kulmiye ee maxay tahay waxa aad arkayseen ee aad umada u sheegaysaan ee ka duwan wixii aan aniga iyo inta kale ee la midka ah ee TV yada ka daawanayay aanay arkayn. Xishooda oo afxumada dhaafa, Madaxwaynahana aflagaadada ka daayay, Shirka Kulmiye Qabsadayna karaamada ha ka qaadina” Ayay tidhi Xaawo Cabdi Kaahin oo ah hooyo dhabarka ku siday ilmo yar oo ay dhashay.

 

Ma aha intan oo kaliya balse badi dadwaynaha reer Boorama, waxa ay doorashadaas ku tilmaameen mid aanay u arkayn  wax qaldan, balse wax walba waxa ay ku raaceen Wasiir Cakuuse oo ay tilmaameen in uu si mug iyo miisaan leh uga hadlay wax walba oo dhacay isla markaana uu tilmaamay in dimuquraadiyada ka dhacday fagaarahaas ay ahayd mida u saamaxday in madaxwaynaha oo uu ag fadhiyo uu ka cadooyo Musharax Muuse Biixi, cidii rabtay in ay fagaaraha is keentana ay u furnayd maanta ay meel ka dhac tahay wax walba oo hadal ah oo laga daba keeno dhacdadaas”

 

Ugu dambayntiina waxa xusid mudan in dadku ay ku mashquulsanaayeen inay Hambalyo, Bogaadin iyo Tahniyad gaarsiiyaan Musharixiinta la doortay ee xisbiga Kulmiye ee doorashooyinka 2017 u tartami doona xisbul xaakimka Kulmiye, kuwaas oo ay u han wayn yihiin himilo iyo hiigsi fogna ku ogg yihiin.

Comments are closed