”Xilalka aan Hayo Horta Ta Baarlamankaa ugu Horaysoo waan Banaynayaa,Adduunka Saddexaadna dawooyin badan ayaa lagu eegay..” Gudoomiye Cirro DAAWO
Hargaysa 13.Nov 2015 (SDN/QJ):- Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI, ahna Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi, ayaa sheegay in lagu tartami doono Musharraxnimada Madaxweynaha ee Xisbigaas marka wakhtigeeda la gaadho.
Sidaana waxa uu ku sheegay Wareysi kooban oo uu siiyey Dalmar Online ka hor intii aanu ka soo laaban dalka Holland oo uu safar shaqo ugu maqnaa muddo afar toddobaad ah.
Halkan hoose ka Daawo Wareysigaa oo Guddoomiyuhu kaga hadlayo arrimo kale oo ay ka mid yihiin xilliga uu Wareejinayo Guddoomiyenimada Baarlamaanka iyo Xisbiga.