Bilowga Aar Goosiga Siyaasadeed ee Gudoomiye Muuse Biixi Iyo Wasiiradii Ka Soo Horjeestay Damaciisa
Hargaysa 13.Nov 2015 (SDN/QJ):- Murashaxa xisbiga Kulmiye ee maalmo ka hor loo doortay murashaxa jagada madaxweynenimo ee xisbigaasi Muuse Biixi Cabdi, ayaa durba billaabay maleegidda qorsheyaal xilka lagaga bedelayo wasiirka wasaaradda Maaliyadda Somaliland Marwo Samsam Cabdi Aadan isla mar ahaantaana looggu cumaamadayo wasiirkii hore ee Ganacsiga iyo Maalgashiga Somaliland Dr.Maxamed Cabdillaahi Cumar.
Illaa hadda ma jiraan wax warar ah oo ka soo baxay dhanka Madaxtooyadda balse sida ay ilada wareedyo tilmaamayaan Gudoomiye Muuse Biixi wuxuu uu madaxweynaha Somaliland Md.Axmed Maxamed Siilaanyo iyo Marwadiisa Marwo Aamina Weris oo kulan gaara kula qaatay Madaxtooyadda u soo bandhigay qorshe xilka wasaaraddaas looggu magacaabayo wasiirkii hore ee Ganacsiga iyo Maalgashiga Somaliland Dr.Maxamed Cabdillaahi Cumar sida oo kalena wasiirka wasaaradda Maaliyadda looggu bedellaayo wasaaradda Waxbarashada Somaliland.
Wararka ku saabsan kulankan, ayaa sida oo kale sheegaya in madaxweyne Siilaanyo uu in badan Muuse kula dooday in aanu bedelli doonin wasiir Samsam balse Marwo Aamina Weris ay madaxweyne Siilaanyo u sheegtay in wakhtigan loo baahan yahay in la bedello wasiirka Maaliyadda Marwo Samsam, waxaana kulanka dhexdiisa ay Muuse iyo Aamina Weris madaxweynaha ku doodeen in wasiir Samsam ay ku badhi furtay taageeridda Madaxtooyaddu ay siinaysay Muuse Biixi Cabdi wakhtigii lagu guddo jiray olalaha doorashada xisbiga muxaafadka ah ee Kulmiye.
Waxaana ay wararku noo xaqiijiyeen in kulankani uu gebo-gabaddii ku soo idlaaday natiijo la’aan balse Muuse iyo Aamina Weris mar kale ka ballameen siddii arrintaas loo xoojin lahaa isla mar ahaantaana wasiir Samsam xilka ay hadda hayso loogga bedelli lahaa.
Arrintan ayaa ah mid muujinaysa sida durba uu Muuse Biixi luqunta ugu soo taagayo siddii uu u heli lahaa il-dhaqaale oo uu ku meel mariyo murashaxnimaddiisa Madaxweynenimo sida oo kalena uu hantida yar ee umadda uu qadhiidhasho ugu dhammayn lahaa siddii uu cod ugu helli lahaa maadama oo uu doonaayo in uu xilkan u dhiraan-dhirriyo wasiirkii hore ee Ganacsiga iyo Maalgashigga oo hore taageero uu Muuse taageersan yahay awgeed xilka loogga caydhiyey.
Dhinaca kale Waxaa lagu waramayaa in Gudoomiye Muuse Biixi uu ka hor qabashadii Shirkii Kulmiye Madaxweynaha ula tegay Sidii Wasiirka Warfaafinta C.laahi Cukuse uu Xilka uga qaadi lahaa isla markaana uu bedelkiisa ugu Magacaabi lahaa Jaamac Shabeel Gudoomiyaha Golaha Dhexe ee Kulmiye Maadaama uu Cukuse Sida Cad u sheegay inuu ka soo Hor jeedo Gudoomiye Biixi lana saftay Wsaiiradii Xilka iska Casilay.
Wasiir Cukuse ayaa Muujiyey Kani adayg Kadib Markii uu Shirkii Golaha Dhexe ee Kulmiye isaga oo barbar Fadhiya Madaxweyne Siilaanyo uu Diiday Murashaxnimada Gudoomiye Muuse Biixi iyo Ku Xigeenkiisa Saylici Codkiisiina ugu riday Murashixii Madaxweyne Xigeen ee Dr Xaglo Toosiye.
Hasa Yeeshee Wasiir Cukuse oo Dareensan qorshayaasha ka dhanka ah Jagadiisa ee uu Gudoomiye Biixi ku hawlan yahay ayaa Markii Kowaad Difaacay Natiijadii ka soo baxday Shirkii Kulmiye Isla markaana Waxa uu Jawaab ka bixiyey Dhaliilo uu Wasiirkii hore ee Maaliyada C.casiis Maxamed Samaale u Soo Jeediyey Madaxweyne Siilaanyo,Isagoo Wasiir Cukuse Taageersan Garabka C,casiis Samaale, Waxaana Jawaabaha Wasiirka loo arkaa Mid uu kaga Gilgilanayo hindisayaasha Gudoomiye Biixi ruclada ugu jiro
Tibaaxaha ayaa sheegaya inuu Madaxweyne Siilaanyo ka Gaws qabsaday inuu Xilka ka qaado Cukuse oo uu xusay inuu ku Kalsoon yahay kana duwan yahay Saaxiibadiiisii kale ee Xilka iska Casiley.
Ugu dambeyntiina, tallaabadan Muuse ku dhaqaaqay ayaa ah mid muujinaysa sida Muuse aanu u dhaadanayn kala daadashada baahsan ee xisbigiisa ay mar kale ku keeni karto qorshahan aar-goosiga ah ee uu billaabay in uu ku ugaadhsado dhammaanab xubnahii ka soo horjeeday, waxaana cad in isaga oo aan weli soo xerro gelin kuwa kale hadda dibadda ka joogga.