Saameynta Khasaarihii Duufaantii Ku Dhufatay Gardafuu Oo La soo Bandhigay
Garowe 12.Nov 2015 (SDN/QJ):- Kulanka lagu qabatay Xarunta Rubta Gancsiga iyo Warashada Puntland Ayaa waxaa lagu soobadhigay Sawiro iyo Muqaalo ka turjumaayo qasaarahay ay ugaysteen roob duufaano wato oo ku dhuftay deegaano katirsan Puntland sigaar ah G/Gardafuu.
Waxaana kulanka sigaar ah Loogu soo Bandhigayay wadooyink ay roobka gooyeen, iyo Dhismayaasha kale ee ku dumay,
Waxaana ka qeybgalay Maamulka Gobalka Garadafuu ,isimo ,Aqoonyahano ganacsato, iyo Masuuliyiin ka socday hay’adaha khayrig ah ee ka shegeeqaya Puntland,
Gudoomiyaha Hay’ada HADO Cabdi-qani oo kamid Madaxada hay’adaha ka qeybgalay Kulanka ayaa sheegay iney soo arkeen Waxyaabo kala duwan oo Ka dhashay saameynta Roobabka,
Shiikh Daahir Aw-Cabdi Oo Kamid ah Culumada Boosaso Ayaa ugu baaqay Shacabka Puntland in ay ugurmaadaan dadkaaki walaalahooda , waxaana uu shiiqa intaasi ku daray in lagu filanyahay hadii loo istaago waxa u qabashada dadkaasi,
Afhayeenka Isimada Puntlan Garaad Cabdulilaahi Cali ciid ayaa dhankiis ugu baaqay dowlada in Ay Doorkeeda Ka qaadato Ugurmashada Walaalaha Muslimiinta ah ee ay saameysay Duufaanadaasi.