|

Askar ka Tirsan Ciidanka Xooga dalka Somalia oo Maxkamadda Ciidamadu ku Riday Xukuno Dil ah Iyo Sababaha Keenay

Muqdisho 12.Nov 2015 (SDN/QJ):-Maxkamada darajada koowaad ee ciidanka qalabka sida ee Somalia ayaa xukunno ku riday askar lagu soo eedeeyay falal-dambiyeedyo la xariira dilal, iyadoo maxkamadu sii daysay askar kale oo dambiyadii lagu eedeeyay lagu waayay.

 

2015415635646979661984818Maxkamadda_Ciidamada_oo_Xukunno_Ridday (5)Eedeysanayaasha dacwaddooda ayay u fariisatay maxkamada ciidamada ayaa waxay kala ahaayeen; dable Isxaaq Maxamed Xaashi, L/xidigle Muxyaddiin Maxamuud Calasow, dable Axmed Cabdi Jaamac iyo dable Maxamed Jaamac Faarax.

 

Dhageysiga dacwadda eedeysanayaashan kaddib ayay maxkamaddu waxay Dable Isxaaq Maxamed Xaashi ku xakuntay dil toogasho, kaddib markii lagu helay dambigii lagu soo eedeeyay, kaasoo ahaa inuu si bareer ah u dilay ex-dable Macallin Aadan Ibraahim C/lle, taariikhdu markay ahayd 17-kii September 2015-ka.

 

Sidoo kale, L/xidigle Muxyaddiin Maxamuud Calasow Ciid ayay maxkamadu ku xukuntay dil toogasho, kaddib markii lagu helay dambigii lagu soo oogay oo ahaa, inuu dil u geystay marxuum Saciid Cali Maxamed 21-kii August, 2015-ka. Iyadoo la sheegay in dilkaas uu ka dhacay degmada Wadajir; sida uu shaaciyay guddoomiyaha maxkamada ciidanka qalabka sida ee Somalia, Col. Xasan Cali Nuur Shuute.

 

Ugu dambeyn, maxkamadda CXDS ayaa sii deysay; dable Axmed Cabdi Jaamac iyo dable Maxamed Jaamac Farax, kadib markii lagu waayay dambiyadii lagu soo eedeeyay.

Comments are closed