Khabiir Caalami ah oo Qiray in Xasilloonida ka jirta Somaliland ka wanaagsan tahay ta Ingiriiska iyo Caddaymaha uu adeegsaday
Hargaysa 12.Nov 2015 (SDN/QJ):- Dr. Tejendra Pherali, ayaa xaalad kala kulantay Hargeysa ku cabbiray in xasilloonida iyo nabadgelyada ka jirta Somaliland u muuqato mid ka wanaagsan dalka Ingiriiska.
Dr. Pherali, oo ah Khabiir Culuumta Dhaqaalaha Adduunka ka dhiga Jaamacadda UCL ee dalka Ingiriiska, ayaa sheegay in shacabka Somaliland boqolkiiba siddeetan 80%, Wararka Ammaanka ku saabsan u soo gudbiyaan Booliiska.
Ninkan oo Booqasho ku jooga Hargeysa, ayaa Warbixin uu ka diyaariyey xaaladaha uu goob-jooga u ahaa, ku bilaabay qoraalkiisa. “Maalmahii koobnaa ee aan joogay Somaliland waxan dareemay dareenka Shacabku ka aamminsan yihiin gooni-isu-taagga, taasoo keentay inay muddo 25 sannadood ah ilaashadaan xasilloonida iyo nabadgelyada ay gaadheen.” Sidaa ayuu yidhi Dr. Pherali.
Khabiirkan, ayaa sheegay in galab ay booqasho ku tageen xarunta Dhaqanka Hargeysa, kula kulmeen keydad loogu talo-galay inay dib u soo abuuraan Dhaqankii iyo Caadooyinkii ay lahaan jireen Somaliland, waxaannu yidhi; “Markaan ku soo noqonnay Gaadhi uu watay nin aannu saaxiibbo ahayn, oo xarunta horteeda yaallay, waxaan arkay inuu Computer uu lahaa kaga tegay Gaadhiga oo Muraayadda Daaqaddu dejisnayd.” Waxaanu intaas raaciyey; “Waxaan ka fekeray tolow anigu sidan oo kale Computer aan leeyahay ma kaga tegi karaa Ingiriiska, waxaan is-weydiiyey ‘Ma Hargeysa ayaa ka ammaan wanaagsan London?”
Xaaladda Ammaanka ayuu sheegay inay aad u wanaagsan Hargeysa, taasoo Shacabku ku soo wargeliyaan Booliiska Boqolkiiba 70% arrimaha la xidhiidha nabadgelyada. “Xukuumada ayaa si dhab ah u qaadata warbixinada shacabka, maadama ay ka go’an tahay in nabadgelyada iyo nidaamka dimoqraadiyadu horumarto, taasoo fure u ah ka fogaanshahooda qalalaasaha Soomaaliya.” Sidaa ayuu yidhi Dr. Dr. Pherali
Waxaanu isagoo sii watay hadalkiisa uu yidhi; “Waa sababta keentay in gudoomiyaha xisbiga mucaaradka Ingiriisku Nigel Farage ugu muujiyey taageero Somaliland inay xubin ka noqoto Ururka waddamada Barwaaqo-sooranka, aad baalmarina looga dhigo xasiloonida ay ku soo jireen 25 sannadood.”
Dhinaca kale, Xidhiidhkooda Bulsheed ee isku-xidhan waxa uu u noqday fure adkaynta xasiloonidooda iyo xalinta khilaafaadkooda, uguna sii muhiimsan tahay inay ku adkaato kooxaha argagxisada Shabaab inay saamayn ku yeeshaan.
Waxaa muhiim ah in la ogaado kaalinta waxbarashada? Iyo kaalinta ay ka qaadan karto horumarka bulshada Somaliland. Side loo abuuri karaa fursado dhalinyaradu si muuqata uga qeybqaadan karaan nidaamka dimoqraadiyada, dib-u-heshiisiinta iyo horumarka bulshada.