|

Maamul Goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland oo Shaqada ka joojiyay Weriye Telefishin oo Madax bannaan iyo Qadiyadda lagu haysto

Garowe 12.Nov 2015 (SDN/QJ):-Wasaaradda warfaafinta Puntland ayaa ka mamnuucday weriye ka tirsan telefishinka Somali Channel ee fadhiggiisu yahay dalka Ingiriiska inuu ka sii shaqeeyo deegaannada Puntland.
Deberaani-225x300
Wasiirka warfaafinta Puntland Maxamuud Xasan Soocadde ayaa warqad uu soo saaray wuxuu ku sheegay in shaqada laga joojiyay weriye Jaamac Yuusuf Deberaani, shaqo joojintiisuna ay ka billaabatay daraad oo Salaasa ahayd.
Wuxuu sheegay ilaa amar dambe in aanu weriyahan ka howlgali karin deegaannada Puntland.
ssss
Weriye Deberaani ayaa soo saari jiray barnaamijka Deberaani Show, wuxuuna shalay bartiisa Facebook ku soo qoray in shaqo joojintiisu ay daba socoto kaddib markii uu ku gacanseydhay dalab ugaga yimid wasaaraadda warfaafinta oo ahaa inuu wasaaradda ku wargeliyo shakhsiyaadka uu ku wareysinayo barnaamijkiisa ka hor intaan hawada la galin.
“Wasaaradda ayaa ii sheegtay in shaqo kasto (wareysi) aan qabanayo aan iyaga u maro, taasi oo aan u sheegay inaanan sameyn karin madaama aan ahay weriye madax banaan. Waxaana dareensiiyey in anigu aanan ahayn weriye dowladeed, maamul gaar ah, mid urur ama mid kooxeed. Balse aan u dhaxeeyo dhammaan dhinacyada Soomaalida oo dhan,” ayuu ku sheegay qoraalkiisa.
Ilaa hadda ma jiro wax hadal ah oo ka soo yeeray maamulka telefishinka Somali Channel.

Warbaahinta ayaa ogaatey in wasiirka warfaafinta Puntland shardi ka dhigey hadii barnaamijkaas wariye Depraani rabo inuu tabiyo la soo socodsiiyo qofka laga wareysanayo si wasaarada u ansaxiso taasoo wariyuhu diidey.

Barnaamijka Depraani Show ayaa ka bilowdey talefeshinka Somali Chanel bishii August 22,2015 iyadoo ilaa hadda lagu wareystey Wasiirka amniga Jubland, madaxweynaha Jubland, afhayeenka dowlada Federaalka, Labo wakiil oo ka tirsan Xisbiyada siyaasada ee Kulmiye iyo Waddani ee Somaliland, Xildhibaan Siciid Samatar Surcad ka tirsan Barlamanka Puntland iyo wasiirka warfaafinta Puntland Soocade.

Xukuumada madaxweyne Gaas ayaa bilihii ugu dambeeyey xasaasiyad balaadhan ka qaadey wararka saxaafada ka howlgasha Puntland iyo kuwa caalamiga ah kuwasoo ku eedeynayaan iney gudbinayaan hadalo ka dhan ah Puntland. Wasaarada warfaafinta Puntland ayaa dhowaan qoraalo kala duwan ay soo saartey kaga joojisay shaqada idaacada VOA halka kuwo kale ee maxaliga ah la tagtey maxakamad balse wax lagu waayey.

Barnaamijka DEBARANI SHOW waa barnaamij ka baxa barnaamijyada telefeshinka SOMALICHANEL kaas oo ah barnaamijka aad looga daawado deegaanada Puntland.

Barnaamijka Debranishow waxa uu waraysiyo kala duwan layeeshaa guud ahaan siyaasiyiinta soomaliyeed haday ahaan lahayd kuwa maamul goboleedyada  iyo kuwa dawlada federalka ah ee soomaaliya.

QJ/SDN: Hargeysa

Comments are closed