“Doorashada Xisbiyadda Dhex uma Noqon karto Xukuumadda Dhex u noqon weyday Xisbigeedii,Wasiir Xaglo Toosiyena waanu ka Tacsiyadaynaynaa qaabkii Codayntiisu u dhacday” Xoghayaha Guud ee Waddani DAAWO
Hargaysa 12.Nov 2015 (SDN/QJ):- Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani ayaa dhaliil ba’an u soo Jeediyey qaabkii uu u qabsoomay Shirkii 5aad ee Golaha Dhexe ee Xisbiga Kulmiye oo Shalay lagu soo Gabo gabeeyay Caasimada Hargaysa Isla markaana lagu doortay Murashixiinta Jagada Madaxweyne iyo Ku Xigeen ee Xisbigaasi u Meteli doona Doorashooyinka madaxtinimo ee la filayo inay Somaliland ka qabsoonto horaanta Sannadka 2017.
Xoghayaha Guud ee Xisbiga Waddani Maxamed C.laahi Uurcade ayaa Sidaa ka sheegay Mar uu Warbaahinta ugu waramayay Magaalada Hargaysa.