“Xaglo-toosiye Waa La Boobay, Raadkii Ay Somaliland Ka Soo Dagaalantay Ee Keli-Taliska Ayay Dib Ugu Noqotay,” Murashax Kijaandhe DAAWO
Hargaysa 12.Nov 2015 (SDN/QJ):- Xildhibaan Axmed Cabdi Kijaandhe, oo u ordayay musharaxnimada Madaxweynenimo ee xisbiga KULMIY, ayaa dhalliilay natiijada shirkii KULMIYE u qabsoomay.
Waxa uu sheegay in Somaliland dib ugu noqotay dariiqii ay sideetamaadkii ka soo dagaalantay ee kalitalisnimada ahaa, isagoo arrintaasi daliil uga dhigay in intii shirka KULMIYE socday Magaalada ciidamo lagu arbushay.
Md. Kijaandhe waxa kale oo uu sheegay in dad badan oo shirkii KULMIY joogay ahaayeen shaqaale dawladeed oo lagu khasbay inay codeeyaan, halka dadka qaarna lagu cadaadiyay inay Madaxweyne xigeenka u codeeyaan.