Weedh Ku Jirtay Khudbadii U Horeysay Ee Murrashaxa Madaxweynaha KULMIYE Oo Dadweynaha Dood Ka Dhex Abuurtay DAAWO
Hargaysa 11.Nov 2015 (SDN/QJ):- Murrashaxa madaxweynaha ee xisbiga KULMIYE Muuse Biixi Cabdi oo Shalay lagu doortay shirkii shanaad ee Golaha dhexe3 ee xisbul xaakimka Somaliland, ayaa khudbadiisii u horeeyay waxa uu u mahad-naqay laba ka mid ah saddexdii murrashax ee aan shirkan ka soo qeyb-gelin.
Arrintaasina waxay dood ka abuurtay goobaha bar-kulanka bulshadda, iyadoo dadka qaar ay sheegeen inay ahayd gef siyaasiya inaanu soo hadal qaadin Murrashax Xildhibaan Axmed Cabdi Kijaandhe. Halka dadka qaarna ay ku doodeen inay ahayd mid iska caadi ah oo in la sii wad-wado aan mudnayn.
Murrashaxa Madaxweynaha xisbiga KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi oo hadal u jeediyay Ergadii dooratay, waxa uu yidhi “Marka Hore Mahadnaq ka dib, fagaarahan maanta waxay guuli ka raacday Wasiirka Caafimaadka oo muujiyay mudakarnimo, Hoggaamiyenimo iyo adkaysi, waanan ku hambalyeynayaa arrintaas. Mar labaadka waxaan u mahad-naqayaa xubnaha Golaha dhexe ee maanta masuuliyadda na saaray. Waanan dareemaynaa culayska ay leedahay masuuliyadda aad na saarteen,”ayuu yidhi Murrashaxa madaxweynaha xisbul xaakimka KULMIYE u matali doona doorashadda madaxtooyadda ee lagu wado inay dalka ka dhacdo 28-ka March 2017.
Guddoomiye Muuse Biixi oo hadalkiisa sii watay waxa uu yidhi “Waxaanu balan qaadaynaa Inaanu sii wado horumarkii xukuumadda iyo aasaasihii xisbiga KULMIYE ay dalka ka fulisay waxaanu sii xoojinaynaa nabad-gelyadda gobolka iyo caalamkaba iyo la shaqeynta iyo wanaajinta xidhiidhka aynu la leenahay dalalka jaarka ah. Waxaanu sii wadi doonaa barnaamijkii xisbiga ee xukuumadii maanta joogtaa waday.”
Muuse Biixi oo si gaar ah uga hadlayay laba ka mid ah saddexdii Murrashax ee doonayay inay la tartamaan,waxaanu yidhi “Waxaan u mahad-naqayaa saaxiibadayda aan is leeyahay si xigaalnimo ah ayay kaaga hadheen. Tartankii Murrashaxnimadda Madaxweynenimo Maxamed Biixi Yoonis Iyo Cabdicasiis Maxamed Samaalle. Waxaan uga mahad-naqayaa oo aan u arkaa inay tudhaale ahaan iigu daayeen inaan murrashaxnimadda ku imaado. Aad baanan ugu mahad-naqayaa. Waxaan ku darayaa khilaafku waxa uu ka mid yahay nolosha siyaasadda. Dad kala maqnaan kara ma nihin, dad khilaafkoodu dheeraan karana ma nihin. Waxaan diyaar u ahay inaan nin kasta gurigiisa ugu tago dhammaan xubnaha naga maqan oo ay iyaguna wanaaga nala qaataan.”