|

Komishanka Doorashooyinka Oo Sheegay Inuu Soo Gaadhay Agabkii Diiwaan-gelinta Codbixiyeyaasha

Hargaysa 11.Nov 2015 (SDN/QJ):- Komishanka doorashooyinka Somaliland,  ayaa shalay la soo dagay agabkii lagaga hawl-galayay diwaangalinta codbixiyayaasha.

Xubnaha Komiishanka SomalilandGuddoomiyaha Komishanka doorashooyinka qaranka C/qaadir Iimaan Warsame oo qaar ka mida warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in uu soo gaadhay qalabkii diwaangelinta codbixiyayaasha waxaanu  yidhi “Geedi socodkii doorashada iyo diwaangelinta ayaa   qalabkoodii  Inoo  dhamastirmeen oo madaarka Hargeysa ka soo degay.”
“Komishanka doorashooyinka qaranka waxa uu u xil saaran yahay diwaangalinta codbixiyayaasha Somaliland,  tii baa bilow innoo ah si aynu u gaadhno doorasho xor iyo xalaal ah oo aynu ugu gaadhno diwaangalinta codbixiyayaasha waxaana maanta shalay ina soo gaadhay qalabkii lagaga hawlgalayay goobaha diwaangalinta ee gobolada iyo degmooyinka dalka,”ayuu yidhi Guddoomiyaha Komishanka Doorashooyinka Qaranku.

Comments are closed