|

Mareykanka Oo Markale Lacago Dul Dhigay Hoggaamiyayaasha Al-Shabaab

Washington,11Nov,2015(QJ/SDN)-Dowladda Mareykanka ayaa abaal marin lacageed dul dhigtay ciddii keenta  xog la xidhiidha meelaha ay ku noolyihiin lix ka mid ah Hoggaamiyayaasha  Al-Shabaab.

Hoggaamiyaha Al-Shabaab Axmed Diiriye oo ay Shabaabku u yaqaanaan Abu Cubeydah ayaa Mareykanku dul dhigay madaxiisa lix milyan oo doolarka Mareykanka, ciddii soo sheegta halka uu ku noolyahay, kaasi oo badalay hoggaamiyihii hore ee AlShabaab Axmed Cabdi Godane oo lagu dilay duqeyn xagga cirka ah oo ay Mareykanku fuliyeen.

Sidoo kale dowladda Mareykanka waxa ay min shan milyan oo doolar ay duldhigtay Mahad Karate, Macallin Daa’uud iyo Xasan Afgooye, kuwaasi oo ciddii keenta xog la xidhiidha halka ay ku nool yihiin la siin doono.

Dowladda Mareykanka waxa ay saddex milyan dul dhigeen madaxa Macallin Salmaan iyo Axmed Imam Cali, oo ka mid ah Hoggaamiyayaasha Al-Shabaab.

Comments are closed