Madaxweynaha Jibouti Oo Ka Qayb-galaya Shirka Wadamada Jaamacadda Carabta iyo Koonfur America
Riyadh,11Nov,2015(QJ/SDN)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jibouti Ismaaciil Cumar Geelle iyo Wefti uu Hoggaaminayo ayaa ka qayb-galaya Shir Madaxeedka 4-aad ee Jaamacadda Carabta iyo Wadamada Koonnfur America. Shirkan oo ay soo qaban-qaabisay dowladda Boqortooyada Sucuudiga ayaa waxa uu ka dhacayaa magaalada Riyaadh ee isla boqortooyada Sucuudi Careebiya.
Shirweynaha ayaa waxa ka qayb-qaadanaya Hoggaamiyayaasha madaxda carabta iyo wadamada Koonfurta America oo gaadhaya 33 waddan.
Taariikhda shirweynahan ayaa waxa la sheegaa in markii ugu horreysay 2005tii lagu qabtay dalka Brazil, ka dib sanadkii 2009kii ayaa haddana lagu qabtay wadanka Qadar caasimadiisa Doha, sidoo kale sanadkii 2012kii waxa marti galisay magaalada Limo oo ah caasimadda waddanka Bayruud, halka sanadkan oo ah kii ugu danbeeyay lagu qabtay magaalada Riyaadh ee caasimada Sucuudi Careebiya.
Dhanka kale, madaxweynayaasha ka qayb-galaya shirkan waxa ka mid ah madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Xassan Sheekh Maxamuud.
Arrimaha shirkan lagaga hadli doono ayaa waxa ka mid ah, xoojinta iyo iskaashiga u dhexeeya waddamadaasi. Sidoo kale waxa lagaga hadli doonaa colaadda u dhexeysa Yuhuudda iyo Falastiiyiinta. Xaaladda Siiriya iyo Xaaladda Dalka Liibiya.
Ugudanbeyntii, Shirmadaxeedkan ayaa waxa lagu wadaa in uu socdo muddo laba maalmood ah, kaasi oo shirkan afartii sannaba hal mar la qabto.