Ururka Al-Shabaab Oo Soo Bandhigay Askari Ugandhis Ah Oo Ay Ku Qabsadeen Weerarkii Jannaale
Muqdisho,11Nov,2015(QJ/SDN)-Ururka Al-Shabaab ayaa markii ugu horreysay soo bandhigay askari Ugandhis ah kaas oo ay ku qabsadeen dagaalkii jannaale ee bishii lasoo dhaafay horraanteedii.
Muuqaallo iyo sawirro lagu baahiyay warbaahinta xarakada Al-shabaab ayaa muujinaya baaxadda dagaalka iyo sida uu u dhacay dagaalkaasi, sidoo kale waxa muuqaalada lagu arkayaa hub iyo saanad millatari oo gacanta u galay ururka Alshabaab.
Geesta kale, ninkii isku qarxiyay xeradii ciidamada AMISOM Ee jannaale ayaa la sheegay in uu horay uga tirsanaa ciidamada dowladda sida warbaahinta Alshabaab lagu sheegay, kaas oo tababaro dhowr ah u aaday dalka dibeddiisa markii danbana ka mid noqday Xarakada Alshabaab.
Ugu danbeyntii, 1dii bishii September ee sanadkan ayay ahayd ka dib markii ururka Alshabaab ay weerar qorshaysan ku qaadeen saldhigii ciidamada AMISOM ee Jannaale, halkaasi oo la sheegay in ay ku dileen ku dhawaad 100Askari oo ka tirsanaa ciidamada AMISOM gaar ahaan ku wa Uganda.
QJ/SDN: Hageysa