“Madaxweynuhu Wuxuu Been u sheegay Xisbigiisa Markuu Yidhi Dhex baan u ahay Murashixiinta,Wuxuu Codka Siiyey Saylici” Cali Guray
Hargaysa 10.Nov 2015 (SDN/QJ):- Gudoomiye Ku Xigeenka 3aad ee Xisbiga Ucid Mujaahid Cali Guray ayaa Buriyey Hadal Maanta ka soo Yeedhay Madaxweyne Axmed Siilaanyo oo Shirkii Golaha Dhexe ee Kulmiye ka Sheegay inuu dhex u yahay Murashixiinta ku Tartamaysa Xisbigiyada qaranka Iyo ka Kulmiye .
Cali Guray Wuxuu sheegay inuu Madaxweyne Siilaanyo si cad ula saftay isla markaana uu Codkiisa Siiyay C.raxmaan C.laahi Saylici oo u Tartamayay Jagada Madaxweyne ku Xigeenka Xisbiga Kulmiye isla markaana uu uga Hiiliyey Murashax Saleebaan Ciise Axmed Xaglo Toosiye Cali Guray ayaa qoraal uu ku faafiyey barta uu ku leeyahay Shabakada Xidhiidhka Bulshada ee Facebook ayuu ku sheegay Sidan:-
“Madaxwaynaha ha la yaabin. Khudbadii uu ka hor jeediyay Golaha Dhexe maanta wuxu ku jirtay” ANIGUNA DHEX BAAN U NOQONAYAA MUSHARAXIINTA XISBIYADA IYO KUWA KU TARTAMAYA XISBIGA DHEXDIISA”. Musharaxa Madaxwaynaha laguma tartamin musharaxa Madaxwayne xigeenka oo Madaxwayne ku xigeenkiisa iyo Wasiirkiisa Caafimaadku ay u tartamayeen dhex uma noqon ee wuxu noqday kii ugu horeeyay ee gacanta u taagay Zaylic.
Xaq buu u lahaa Madaxwaynuhu in cidii uu doonayo siiyo lakiin in uu been sheego uu yidhaa dhex baan ahay ayaa qalad ahayd. Marka uu kuwii xisbigiisa ka been kala raacay dhex ma u noqon karaa kuwa xisbiyada uu sheegay inu dhex u noqon doono? Jawaabta waynu iska garan karaynaa oo waa maya. Madaxwayne ahaan isaga dantiisu iyo danta xisbigiisa may sida ay inta ku xeerani kula taliyeen maantana wax u dhaama in doorasho xor iyo xalaal ay ka qabsoonto Somaliland cidii ku guulaysatana loo hibeeyo wax u dhaamaa ma jirto lakiin waynu ognahay inta ku xeerani in aanay dal iyo dad iyo xataa isaga dantiisa u jeedin. Mudadii uu xilka hayay waxaynu wada ognahay in hal doorasho oo keli ahi ay dalka ka qabsoontay taasina ay ahayd DOORASHADII DHIIGA. Ta soo socota markaa Alleh ha inooga sahlo sharkooda.