|

Madaxweyne Siilaanyo Oo Ku Dhawaaqay In Aanu Mar Danbe Isasoo Sharraxi Doonin,Maxaa u Sabab ah?

adaxHargeysa,10Nov,2015(QJ/SDN)-Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilanyo ayaa waxaa uu si rasmi ah u shaaciyey in uu ka tanaasulay in uu mar labaad u tartamo musharaxa madaxweyne ee xisbiga kulmiye.

Madaxweynaha ayaa waxaa uu hadalkasi ka shaaciyey qudbad uu ka jeediyey shirweynaha shanaad ee xisbiga kulmiye oo maanta si rasmi ah uga furmay magaalada hargeysa.

Axmed Siilanyo oo arintaasi ka hadlaya ayaa waxaa uu yidhi “ Waxaa aan ka tanaasulay in aan mar Labaad noqdo musharax madaxweyne ee u tar tamaya xisbiga kulmiye sanadka 2017 waxaana igu kalifay aniga oo jecleystay in aan saaxada siyaasada u baneeyo saaxiideyda inta badan aanu siyaasada ku wada jirnay “ ayuu yidhi Madaxweyne Siilanyo

Sidoo kale waxa uu madaxweynuhu intaasi ku daray ”Waxaan Maanta si rasmi ah ugu caddeynayaa Xubnaha Golaha Dhexe in aanan Mar danbe isku soo sharraxi doonin xilka Madaxtinimo ee dalka, isla markaana aan dhex u ahay xisbiyada Qaranka gaar ahaanna tartanka ka dhex socda xisbiga KULMIYE gudihiisa..’

Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Waxa uu hadalkiisa ku Yidhi

Ka Tanaasulka Musharraxnimada Xisbiga Kulmiye

 

Mudanayaal iyo Marwooyin,

 

Sida aad xogogaal ka tihiin, waxaan ahay Madaxweyne hal mar loo doortay si dimuqraadi ah, kaas oo kalsoonida lagu qabo iyo taageerada loo hayaa toona aanay is dhimin. Sida ay qeexayaan Dastuurka iyo shuruucda Dalku, waxaan xaq u leeyahay inaan mar labaad murashax noqdo, isuna soo taago jagada Madaxweynenimada Dalka.

 

Hasa yeeshee, waxaan si rasmi ah maanta ugu caddeynayaa Xubnaha Golaha Dhexe ee Xisbiga Kulmiye, iyo dhamaan shacbi-weynaha Somaliland, in aan ikhtiyaar-kayga uga tanaasulay in aan mar kale isu soo sharraxo Doorashada Madaxtooyada ee Dalka ka qabsoomi doonta 27-ka March, 2017-ka. Sababaha soo socda awgood:

 

1.     Waxaan door biday in aan fursad siiyo, saaxadda mustaqbalkana u baneeyo siyaasiyiintii iyo saaxiibbadii sannadaha badan safka igula jiray.

 

2.     Kursi jacaylku, waa cudurrada cadowga u ah hoggaamiye kasta, sidaa darteed, waxaan door biday in aan kaga dego hoggaaminta Dalka qaab ka duwan sidii ay Madaxweyne-yaashii hore ee Somaliland kaga tagi jireen, si ay ugu noqoto kuwa dambe, tusaale ku dayasho fiican leh.

 

3.     Si aan u dhamaystiro dhitada iyo dhaxalka aan muddada dheer soo dhisayey, waxaan door biday, in aanan wax damaca ku yeelan doorashooyinka soo socda, isla markaana aan noqdo oday guud oo dhex u ah guud ahaan Xisbiyada Qaranka, gaar ahaanna Xisbiga Kulmiye tartanka ka dhex socda.

 

Comments are closed