|

Maalinta Saxaafadda Somaliland Oo Hargeysa Laga Xusay iyo Wasiir Cukuse Oo Ka Sheekeeyay Taariikhda Saxaafadda Somaliland Ay Soo Martay DAAWO

cukuseHargeysa,9Nov,2015(QJ/SDN)-Iyadoo ay maanta ku beegnayd maalinta Xuska Saxaafadda Somaliland, ayaa munaasibad ballaadhan oo lagu qabtay magaalada Hargeysa waxa kasoo qayb-galay wasiirka warfaafinta dhaqanka iyo wacyi-gallinta Somaliland Cabdullaahi Maxamed Cuskuse iyo masuuliyiin kale oo ugu horreeyo Gudoomiye Maxkamada Sare Aadan Xaaji Cali.

Haddaba qudbad dhinacyo badan taabanaysay oo uu halkaasi kasoo jeediyay wasiir Cukuse ayaa waxa uu ku sheegay in maalintan oo kale loo baahanyahay sidii looga hadli lahaa horumarka saxaafadda Somaliland, isagoona warbaahinta usoo jeediyay in aanay waxba ka qorin siyaasiyiinya cadhaysan iyo kuwa xil-doonka ah.

Wasiir Cukuse ayaa sheegay in loo baahanyahay in Saxaafadda la garab istaago si ay xaqiiqada u tabiyaan, waxaana uu sheegay in Khilaafka Xisbiga KULMIYE ay warbaahintu dhex ka noqoto, isagoona wasiirku dhanka kale aad ugu dheeraaday taariikhda Idaacadda Radio Hargeysa oo uu sheegay inay tahay Hooyada Saxaafadda Somaliland.

 

Comments are closed