Baarlamaanka Maamulka Puntland Oo Doortay Guddoomiye Cusub
Garowe,9Nov,2015(QJ/SDN)-Baarlamaanka Maamul Goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland ayaa goordhaweyd Guddoomiye cusub u doortay Axmed Cali Xaashi , Ka dib markii uu dhawaan xilkaasi iska casilay Siciid Xassan Shire.
Doorashadan oo ay ku Tartamayeen saddex Murashax, ayaa waxa Wareegii koowaad ee cod bixinta doorashada ku horreeyay Xildhibaan Axmed Cali Xaashi oo helay 40 cod.
Xildhibaan Cabdixakiin Dhoobadaareed ayaa isna kaalinta labaad galay wakhitgaasi isagoona isna helay 19.cod.
Xildhibaan Cabdi Siciid Samatar Surcad, wuxuu helay saddex cod, Iyadoona ay wareegii labaad iskugu soo hadheen Xildhibaan Dhoobadaareed iyo Xaashi.
Ugudanbeyntii, wareegii labaad ee doorashada waxa xilka Guddoomiyaha Baarlamaanka Maamulka Puntland ku guulaystay Xildhibaan Axmed Cali Xaashi, isagoona ku guulaystay 41 cod.
Si kastaba ha ahaatee, Doorshada guddoomiyaha cusub ee baarlamaanka Puntland ayaa timid ka dib markii uu dhawaan xilkaasi iska casilay Siciid Xassan Shire, Is-casilaadiisa ayaa timid ka dib markii 42 xildhibaan ay ka keeneen Mooshin ka dhan ah.