Caruur Barakacayaal Ah Oo Ku Geeriyootay Darbi Kusoo Dumay Magaalada Muqdisho
Muqdisho,9Nov,2015(QJ/SDN)-Ugu yaraan saddex carruur ah ayaa maalinkii shalay ku geeriyootay darbi ku dumay mid ka mid ah xeryaha barakacayaasha ee Muqdisho ku yaalla, iyadoo ay ku dhaawacmeen dhowr qof oo carruur u badan.
Kaamka ay barakacayashan ku noolaayeen ayaa ku yaalla xaafadda Jeneraal Daa’uud oo ka tirsan degmada Yaaqshiid ee gobolka Baaadir, iyadoo darbigan uu ku dhumay dadkan xilli ay magaalada Muqdisho ka da’ayeen shalay roobab mahiigaan ah.
Goob-joogayaal ku sugnaa goobta ayaa saxaafadda u sheegay in markii ay ku dhimanayeen darbiga dumay saddexda carruurta ah ay waalidkood maqnaayeen, iyadoo dadkii kale ee ay caruurtu ku jiraan ee dhaawacyadu soo gaadheenna loola cararay isbitaallada.
Sidoo kale, wararka ayaa intaas ku daraya in barakacayaasha uu darbiga kusoo dumay ay u gurmadeen ciidammo ka tirsan kuwa AMISOM ee deggen Isbartiibada weyn ee Muqdisho, kuwaasoo burburka darbiga kasoo saaray maydadka iyo dhaawaca.
Ma ahan markii ugu horreysay oo qoysaska ku nool xeryaha barakacayaasha ee Muqdisho ay darbiyo kusoo dumaan; waxaana inta badan ay darbiyadu dumaan xilliyada roobabku ay ka socdaan caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.
Ugu dambeyntii, maamulka degmada Yaaqshiid ayaan weli ka hadlin barakacayaasha shalay uu kusoo dumay darbiga, kuwaasoo ku noolaa kaam ku yaalla xaafadda Jeneraal Daa’uud ee degmadaas, kaasoo sababay dhimashada iyo dhaawaca dad isugu jira waayeel iyo caruur barakacayaal ahaa.