Xisbiga Kulmiye wuxuu ku dhisan yahay dareen la kala xigsado oo qarsoon oo gacan wadaag ah ee kumuu iman kumana dhisna daryeel iyo dareen qaranimo
Xukuumada maanta jirtaa marna may bud-dhigin oo dhidibada umay taagin Xisbi iyo Xukun ka reeban dareen beelnimo iyo mid kooxaysan, Waxay xukuumadani daah-furtay dawladnimo la kala xigsado oo ku dhisan dareen beeleed aad uga sareysa dareenka dawladnimo taasina waxay abuurtay wer-wer iyo walaac badan oo saameeyey dhamaan mujtamaca reer Somaliland , Wadamada deriska, Deeqbixiya-yaasha iyo saaxibadii Somaliland ee Caalamka. Waxay xukuumadani ku fashilantay in ay midayso hadafka guud ee Siyaasadeed ee Golaheeda Fulinta, taas oo ah dhaqan xumo maamul oo dalkii, dadkii iyo duunyadiiba lagu baabiiyey 5-tii sanadood ee uu hogaanka dalka hayey Madaxweyne Siilaanyo.Is casilaada 14-ka Xubnood ee dhawaan iscasilay ee wasiirada ubadani waa dhabar jab iyo qaran jab qawmiyadeed in tiro intaa leeg oo golihii fulinta ka tirsanaa oo sir qaran xambaarsani ay mar qudha xilka wada dhigaan oo daaqada xayndaabka madaxtooyada ka wada baxaan. Waxay aheyd in ay sife karaamo leh u wareejiyaan xilalka qaranka ee aanay Makhaayadaha Suuqa sife fowdo ah xilalka uga naadin.
Waa xisbi loo maamulo si shaqsi ah hada, Waa xisbi ay gurada u fadhiyaan duul doonaaya in ay maalin keliya madaxweyne ku noqdaan iyo duul doonaaya in ay maalin keliya magac ku yeeshaan oo maalqabeen ku noqdaan oo awood dheeraad ah cidla ka qaataan.Xisbiga kulmiye iyo Xukuumadiisu waxay ku caanbaxeen qof jeclaysi, ku daneysi, duunyo lunsi iyo ku dhaqan beelnimo taas oo lagu marin habaabinaayo qaranka Somaliland ee curdinka ah, Geedi socodka dimuqraadiga socod baradka ah, dastuurka, tartanka xalaasha ah iyo xeerarka xisbigooda u yaala. Xisbiga kulmiye han weyn ma laha ee waa hunguri lugo leh oo hantida ummadda ugaadhsada kuwaas oo dalkii iyo dadkiiba la ambaday oo marin habaabiyey. Miinada Labaad ee dhawaan ka qarxi doonta Shirka Golahooda dhexe ee xisbiga kulmiye waxay Saameyn taban ku yeelan doontaa Deganaanshaha iyo Xasiloonida dalka oo dhan iyo Geedi socodka Dimuqraadiga ah ee doorashooyinka soo socda. Sidaa daraadeed marna Xukuumadan uu maandheytkeedii iyo waqtigeedii uu dhamaaday ee Xisbigeedii kala hagi weyday ha ka sugina in ay wadanka ka qabato doorasho xor ah oo xalaal ah oo lagu badhaadho.
Waxaan idiinku soo garoocayaa maanta !!
Shacabow Tiraa Kaa gedmane Wax isu gey geyso!!
Alleh ayaa Mahad Leh,
Wehelkiin Waa-Alleh iyo Nebi(scs)
Wa-laahum-Aclum- Waa Billaahi-Taw-fiiq,
Qalinkii : A/rahman fidhinle
Qoraa Madax banaan
Intensive ED BD BA
United Kingdom
London