|

Wasiirka Arrimaha Dibada Soomaaliya oo Laga Mamnuucay in uu Raaco Diyaarada Ethiopian Airline

Adiss ababa 08.Nov 2015 (SDN/QJ):- Shirkada Diyaaradaha Itoobiya ee Ethiopian Airline, ayaa wasiirka Arrimaha -dibadda Soomaaliya Hadliye ka mamnuucday inuu ku safro Diyaaradooda, kadib markii uu dhowr mar falal anshax darro ah ku dhex sameeyay gudaha Diyaarada.

Wasiirka ayaa la sheegay inuu 2 jeer dagaal iyo rabshad ka dhex sameeyay Diyaarada xili uu ku safrayay.

Wasiir Hadliye ayaa lagu soo waramayaa in mar uu Diyaarada Ethiopian Arlines kasoo raacay Jabuuti kuna sii jeeday Addis uu aflagaado iyo caay kula kacay mid kamid ah shaqaalaha Diyaarada.

Wararka hoose ee ay ogaatay Warbaahintu ayaa sheegaya in arrinkaas ay sabab uahayd markii Ismaandhaaf yar dhexmaray Wasiir Hadliye iyo shaqaalaha Diyaarada , ismaandhaafkaas oo salka kuhaya kadib markii uu dalbaday wasiirkaas cabitaan kabadan kii loogu talagalay kadibna ay udiideen Shaqaalihii diyaara Itopia Airline.

Comments are closed