|

Hogaanka Kulmiye ee Taabacsan Gudoomiye Muuse Biixi oo Hawraarsan ku soo dhaweeyey Go’aankii ay Shaaciyeen Gudidii Madaxweynuhu u saaray Khilaafka Kulmiye

Hargeysa 07.Nov 2015 (SDN/QJ):-Hoggaanka xisbiga KULMIYE, ayaa soo dhaweeyay go’aankii ay soo saareen guddidii madaxweyne Siilaanyo u magacaabay hubinta liiska golaha dhexe ee xisbul-xaakimka KULMIYE.

Sidaasna waxa lagu sheegay  war-saxaafadeed uu soo saaray Xoghayaha Guud ee KULMIYE Xasan Siciid Yuusuf, waxaa kale oo uu xubnaha golaha dhexe ee aan wali si diiwaan-gelin ku boorriyay inay deg-deg isku diiwaan-geliyaan.

War-saxaafadeedkaasina isagoo dhammaystiran waxa uu u dhignaa sidan:-

Xasan Siciid Yuusuf
Hoggaanka xisbiga KULMIYE waxa uu soo dhawaynayaa go’aanka ay maanta soo saartay guddigii Madaxweynuhu u magacaabay hubinta liiska xubnaha golaha dhexe iyo hawsha diinwaagelintooda ka qaybgalka shirka Golaha Dhexe ee xisbiga, go’aankaas oo guddigu ku caddeeyeen in aanay haba yaraatee wax musuqmaasuq iyo isdabamarin ahi toona ku jirin liiska golaha dhexe, isla markaana sida loo diiwaangeliyey tahay hab sax ah.

Go’aankani waxa uu meesha ka saaray tuhunkii iyo eedayntii qaar ka mid ah murrashaxiinta xisbigu ay kaga cawdeen inuu ka jiro liiska xubnaha golaha dhexe iyo inuu cid gaar ah u afduubanyahay. Sidaasi darteed, waxa uu xisbigu si buuxda ugu qanacsan yahay go’aankaas guddigu soo saartay.

 

Dhinaca kale, shirka Golaha Dhexe ee xisbiga KULMIYE oo hawlihiisa qabanqaabado gobogabo yihiin waxa uu si rasmi ugu qabsoomayaa xilligii loo qorsheeyey oo ah maalinta Salaasadda ee taariikhdu tahay 10-ka bisha November 2015, saacaddu markay 7:30 subaxnimo, goobtuna tahay huteel Maansoor ee magaalada Hargeysa.

 

Mar kale waxa lagu wargelinayaa xubnaha golaha dhexe ee aan weli isdiiwaangelin inay si degdeg ah u yimaadaan xarunta dhexe ee xisbiga si ay uga qaataan kaadhadhka aqoonsigooda intaannu waqtigu ka dhicin, halka xubnaha hore isu diiwaangeliyeyna loo sheegayo inay kaadhadhkooda ergaynimada ka qaadan doonaan xarunta xisbiga gelinka dambe ee maalinta Isniinta ee taariikhdu tahay 9-ka bishan November.

       

                             Alla             Mahad            Leh

 

 

Xoghayaha Guud ee xisbiga kulmiye

XASAN SICIID YUUSUF

 

Comments are closed