Dalka Ruushka Oo Hakiyay Duulimaadyada Diyaaradaha Ee Masar
Moscow,7Nov,2015(QJ/SDN)-Ruushka ayaa hakiyay dhammaan duulimaadyada diyaaradihiisa ee dalka Masar, Mareykankuna waxa uu adkeeyay ammaanka garoomihiisa diyaaradaha kaga imanaya gobolka bariga dhexe, xilli uu sii xoogeysanayo tuhunka ah in bam uu burburiyay diyaaradii Ruushka ee todobaadkii hore ku dhacday gobolka Siinay ee Masar.
Warbaahinta Mareykanka ayaa sheegtay in mukhaabaraadka dalkaasi ay dhaxda uga dheceen macluumaad ay isweydaarsanayeen hogaamiyayaasha ururka la magaca baxay Khilaafada Islaamiga iyo dagaalyahannada xiriirka la leh ee Siinaay ka dagaallama, ka hor iyo kaddib markii ay diyaaradda dhacday.
Telefishinka NBC News ayaa soo xigtay saraakiil sheegay in dagaalyahannada ay ku faanayeen qaabka diyaaradda loo soo riday.
Telefishin laga leeyahay Faransiiska ayaa sheegay in qarax xooggan laga dhex maqlay gudaha diyaaradda ka hor inta aanay burburin, codka qaraxaasina laga maqlay sanduuqa madow ee diyaaradda.
Baarayaasha Faransiiska ayaan xaqiijin warkaasi.