|

Roobabkii Dayrta Oo Si Weyn Uga Da’ay Deegaanada Gobolka Sool iyo Buuhoodle – SAWIRRO

Laascaanood,7Nov,2015(QJ/SDN)-Degmada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool ayaa waxay ka mid tahay deegaannada ay soo gaadhayaan hayaanada kasoo kicitimay Waqooyiga iyo Bariga gobolka Sool.

Reer-guuraa aad u badan ayaa waxay kusoo qulqulayaan deegaanada Buuhoodle iyo kuwa ku xeeran, halkaasoo ay maasheeyeen roobabka xilliga dayrta. waxaana gaadiidka sida reer guuraaga ay si wayn uga muuqdaan waddooyinka magaalada Laascanood mara.

Degmada Taleex oo ka mid ah meelaha ugu ballaadhan ee aan illaa hadda roobku ku tiixin ayaa si weyn uga soo hayaameen reer guuraagu. Halka degmada Xuddunna ay ku hoortay sannadkan barwaaqada dayrta.

Sidoo kale, waxay abaaruhu ay aad u saameeyeen deegaannada ku xeeran galbeedka iyo bartamaha Somaliland, iyadoo ay odayaaasha iyo waxgaradka deegaanada Sool iyo Cayn ugu baaqay xoolo-dhaqatada in ay si nabadgalyaa ku wada daaqaan barwaaqada saamaysay deegaanadaas.

Ugu dambeyntii, barwaaqadan saamaysay deegaannadan ayaa ah mid aad u ballaadhan oo ay tahay in mahad loogu celiyo EEBBE subxaanahu watacaalaa.

QJ/SDN: Laascaanood

Comments are closed