Gabadh Soomaaliyeed Oo Lagu La’yahay Dalka Kenya
Nairobi,6Nov,2015(QJ/SDN)-Gabadh Soomaaliyeed oo ku nooleed Dalka Kenya ayaa in mudo ah la la’ yahay, waxaana arintaasi ay wal wal badan ku beertay waalidka dhalay gabadhan aadka u yar oon la ogeyn halka ay jaan iyo cidhib ku dambeysay.
Ruqiya Xaamud oo ah Hooyada Dhashay Gabadha la la’yahay oo lagu Magacaabo Umul khayr oo 14-sano jir ah ayaa sheegtay in gabadheeda ay ugu war dambeysay 6-dii Bishii October ee lasoo dhaafay , waxa ayna tilmaantay in aanay waxii xiligaa ka dambeeyay ka war ka helin.
Hooyo Ruqiya waxa ay sheegtay inuu jiro Warqad ay gabadha qortay oo laga soo bixiyey meel ay ku qarisay, kaasi oo laga yaabo inuu raad ka bixin karo sababaha gabadha loo waayey. warqada ayaa waxaa ay Umul Kheyr ku qortay inay dhibsatay nolosha iyo dharka islaamiga ah ee ay xidhato.
Gabadhan ayaa Warqadeeda ku qortay inay jeclaan lahayd inay xidhato dhar dabacsan, sida goonooyinka gaagaaban, islamarkaana ay noqoto fannaan. Waxa ay dhageysan jirtay heesaha fannaanka Justin Bieber sida ay hooyadeed sheegtay.
Hooyo Ruqiya ayaa xustay in Gabadheeda ay mar walbo ka diidi jirtay rabitaankeeda ah in ay xidhato dharka gaagaab sidoo kale ay noqoto Fanaanad, waxa ayna sheegtay in mar walba gabadheeda ku waanin jirtay inay tahay gabadh muslimad ah, oo aan loo ogoleyn fanka.
Sheekada gabadhan Soomaaliyeed ee lagu la’ yahay Dalka Kenya ayaa noqotay mid si weyn looga hadal hayo meelo badan, waxaana socda baadi goob loogu jiro sidii gabadhaasi loo heli lahaa looguna soo celin lahaa Waalidkeeda.