“Aniga iyo Jamaal Khilaaf Noo Dhexeeyaa Ma Jiro,” Faysal Cali Waraabe
Nairobi,6Nov,2015(QJ/SDN)-Hogaamiyaha xisbiga Ucid, Eng Faysal Cali Waraabe, oo socdaal ku jooga magaalada Nairobi ee caasimada Kenya, ayaa ka warbixiyay kulamo uu madax dawladdo kala duwan ah la yeeshay. Wuxuu sidoo kale sheegay inay heshiiyeen isaga iyo musharaxa xisbigiisa Jamaal Cali Xuseen.
Guddoomiyaha Ucid waxa uu sheegay inuu kulammo la yeeshay madaxweynaha Jabuuti, madaxda IGAD, safiiro badan iyo siyaasiyiin Soomaali ah. Waxa uu sheegay inuu rajaynayo in xafiis adag oo Somaliland leedahay laga dhiso magaalada Nairobi.
Eng Faysal Cali Waraabe waxa kale oo uu sheegay in isaga iyo musharaxa xisbigiisu ka heshiiyeen khilaaf dhawaan soo kala dhex galay waxaanu ku dooday inaanay ahayn in la buunbuuniyo. Faysal ayaa dhawaan muujiyay inaanu kalsooni badan ku qabin musharaxiisa madaxweyne kuna dooday inuu xisbiyada kale codka siiya odhanayo shacabka.