|

“Xilka anigaa iska casilay oo Xornimada qaatay, haddaan Lacag lunsaday” Wasiirkii Hore ee Ciyaaraha Somalialnd

Hargaysa 05.Nov 2015 (SDN/QJ)-Wasiirkii hore ee Wasaaradda Dhallinyarada, Ciyaaraha iyo Dalxiiska Somaliland Axmed Cabdi Kaahin (Casood), oo Shalay Wasiirka cusub ee Wasaaradda loo magacaabay ku wareejiyey xilkaas oo uu toddobaadkii hore isagu iska casilay.

wasiir+xildhibaanWasiirkii hore Ciyaaraha oo xilka iska casilay ka dib markii Golaha Wakiillada uu kursi uga bannaanaaday, ayaa khudbad kooban oo uu ka jeediyay Xafladda xil-wareejinta waxa uu ku beeniyey inuu Lacag lunsaday iyo inuu isku casilay khaladaad uu Xukuumadda ka galay waxaanu yidhi, “Xilka aan hayey aniga ayaa iska casilay ee cidna ima casilin, Rag baa suuqa ka yidhaahda Jaran-jarro ayuu ka dhacay, waxaan leeyahay waxba kama dhicin ee xilka anigaa iska casilay.”

Waxa uu Xildhibaan Axmed Cabdi Kaahin ( Casood) oo hadda ka tirsan Mudanayaasha Golaha Wakiillada Somaliland oo xilkaas loo dhaariyey dhawr cisho ka hor, waxa uu intaas ku daray; “Agaasimihii ila socday markii la iga codsanayey inaan dib u dhigo (Iscasillaadu) wuu joogaa. Rag baa yidhi Lacag buu lunsaday, maan lunsan ee kuwa yidhi baa lacagta lunsaday oo beenayaal ah. Haddaan Lacag lunsaday Qaranku wuu qaban karaa, laakiin meesha waxba laguma hayo.”

Xildhibaan Casood waxa uu Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha ku soo dhaweeyay Wasiirka cusub waxaanu yidhi; “Xilka anigaa iska casilay oo Xornimada qaatay kursigana aniguu ii yaalay (kursiga Golaha Wakiillada), Cabdillaahina (Wasiirka cusub ee Ciyaaraha) in badan ayuu kursigan sugayey oo uu magaalada u joogay waanan ku soo dhaweynayaan.”

Comments are closed