|

Agaasimihii hore ee hay’adda sirdoonka Soomaaliya oo su’aal ka keenay awoodaha ciidanka

Muqdisho 05.Nov 2015 (SDN/QJ)-Dad badan oo uu ka mid yahay agaasimihii hore ee hay’adda sirdoonka qaranka Axmed Macallin Fiqi ayaa su’aal ka keenay awoodda ay dowladda federaalka Soomaaliya u leedahay inay ka hor-tagto weerarrada kooxda Al-Shabaab geysaneyso sida kii toddobaadkan dhacay ee lagu qaaday hoteelka Saxafi ee magaalada Muqdisho.

saxafiFiqi ayaa ku eeedeeyay ciidanka ammaanka inaanay muujineyn feejignaantii laga rabay.

“In kastoo ay dadaalayaan, haddana ciidankeenna waxay mudnaan-siintooda isugu soo ururtay ilaalinta kooxda awoodda haysa, waxayna lumiyeen dagaalkii ka dhanka ah Al-Shabaab,” ayuu yiri Fiqi oo wareysi siinayay VOA-da.

Hase yeeshee wasiirka amniga gudaha Cabdirsaaq Cumar Maxamed ayaa sheegay in ciidanka ammaanka ay ka hor tageen weerarro badan, sidoo kalena ay awood u yeesheen inay yareeyaan khasaaraha weerarkii hoteel Saxafi.

Wuxuu sheegay in habka ugu wanaagsan ee looga hor tagi karo weerarrada noocaan oo kale inay dhacaan mustaqbalka uu yahay horumarinta awoodaha sirdoonka ee dowladda.

Ugu yaraan 15 qof ayaa lagu dilay weerarkii Axadda ee hoteel Saxafi, waxaana dadka dhintay ku jiray taliye ciidan oo hore, xubin ka tirsan baarlamaanka iyo nin ganacsade ahaa.

Comments are closed