|

“Cidna kama aqbali doonno inay kala qaybisa safafka mujaahidiinta, gacanta ayaana lagu qabanayaa cid walba oo isku dayda tallaabadan,” Cali Dheere

Muqdisho 05.Nov 2015 (SDN/QJ)-Afhayeenka Xarakada Al-shabaab Sh. Cali Dheere oo la hadlayay idaacadda ku hadasha afka Al-shabaab ee Andullus ayaa ka hadlay khilaaf la sheegay inuu Al-shabaab u dhexeeyaan, kaasoo ku aaddan inay ku biirto Daacish iyo in kale.

 

Cali dheereSheekh Cali Dheere ayaa xusay inaanay aqbali doonin cid kasta oo kala qaybinaysa safka muslimiinta, ayna gacanta kusoo dhigi doonaan cid walba oo arrintaas isku dayda. isagoo intaas ku daray in cadawga uu isku dayayo inuu kala qaybiyo dhexdooda, isla markaana la isugu diro, taasoo uu xusay inay tahay ujeeddo aan marnaba u suuro-geli doonin cadawga.

 

“Cidna kama aqbali doonno inay kala qaybisa safafka mujaahidiinta, gacanta ayaana lagu qabanayaa cid walba oo isku dayda tallaabadan,” ayuu Sh. Cali Dheere ku yiri hadalkiisa.

 

Sidoo kale, afhayeenku wuxuu sheegay inay la xisaabtami doonaan kuwa qaska ka dhex-wada gudaha Al-shabaab, isagoo baaq u jeediyay maamullada ka taliya deegaannada ay Al-shabaaab maamusho, isagoo faray inay xil gaar ah iska saaraan dhowraan shacabka ay maamulaan, ayna midnimadana ay ilaaliyaan.

 

Dhawaan ayay ahayd markii Sh. C/qaadir Muumin iyo xusbno Al-shabaab ka tirsan oo ku sugan buuraha Galgala ee Puntland ayaa dhawaan ku dhawaaqay in ay ku biireen kooxda Daacish ee uu hoggaamiyo Sh. Abuubakar Al-Baqdaadi.

 

Ugu dambeyn, hadalka afhayeenka guud ee Al-shabaab ayaa kusoo beegmaya, xilli uu ka dhex taagan yahay Al-shabaab muran la xiriira in lagu biiro kooxda ISIS iyo inay kasii mid ahaadaan shabakadda Al-Qaacida.

 

Si kasta ha ahaatee, wararkii toddobaadyadii lasoo dhaafayay soo baxayay ayaa sheegayay in mas’uuliyiin Al-shabaab ka tirsan ayna ku jiraan kuwo ajnabi ah lagu xiray deegaannada Koonfurta Somalia, kuwaasoo la sheegay inay wadeen olole ku aaddan in kooxdu ku biirto kooxda Daacish.

 

Comments are closed