|

Siday ku Timid Is Casilaadii Madaxweyne Siilaanyo ee La Shaqaynta Xukuumaddii Marxuun Maxamed Ibraahin Cigaal?

Hargaysa 05.Nov 2015 (SDN/QJ)- Tan iyo Markii Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo ay iska Casileen Raxan ka Mid ah Golihiisa Wasiiradda ayaa waxaa dib loo dhugtay Sooyaalkii Madaxweyne Siilaanyo ee Maamuladii dalka soo Maray oo uu Marar kala duwan iska casilay la shaqayntooda,

siilaanyoMujaahid Cali Guray ayaa qoraal uu ku faafiyey bata Facebook kaga Sheekeeyey Is Casilaadii Madaxweyne Siilaanyo ee Xukuumadii Marxuun Cigaal isagoo qoraalkiisu u dhignaa Sidan :- ”Arinka ugu muhiimsanaa ee dedejiyay in Axmed Silanyo ka tago xilkii uu ka hayay xukuumadii Cigaal sida aan qabo odayga laftiisana ka sheekaysanay wakhtiyadaa oo aanu rafiiq ahayn waxay ahayd markii uu bilaabay AHN Cigaal inu sameeyo Xisbigii UDUB oo dhamaan wasiiradii ay Axmed ku wada jireen xukuumadu ay ka wada qayb galeen kuna wada hawlanaayeen marka laga reebo Axmed Silanyo oo markaa aan diyaar u ahayn inu UDUB ka mid noqdo isla markaana aan u jeedin in isaga laftiisu uu xisbi kale sameeyo ama xataa aan filayn hirgelintooda guud ahaan. Markaa UDUB oo keliya ayaa la wadwaday dad badanina dib ayay uga maagsanaayeen ama kumay kalsoonayn in ay shaqayn karaan balse waxay u arkayeen mashruuc u gaar ah Madaxwayne Cigaal oo xeeli daba taalo.

Markii ay soo kala faataxaysteen Cigaal ayaan anigu Axmed u soo jeediyay” oo haday sidaa tahay maad adiga laftaaduba xisbi kale samaysatid? Intuu qosol aan haynin iska keenay oo malaha yaab iyo qayayaab ka keenay ayuu yidh “WEGER OO MA INA CIGAAL BAA CIDI KURSI KA HELAYSAA”. Ka dib intu Laptop yar oo miisaka fadhiga saaran farta iigu fiiqay ayuu hadana yidh “imika kaasaan bartaa oo waxan doonayaa in buug qoro siyaasadana iskaga baxo oon oday nabdda iyo hawlahaa uun wax ka qabta noqdo.

Taasi waa kala tagii Cigaal iyo Silanyo eh waxa iyaduna xiiso leh sababta Axmed oo mucaarid ahaa marka horeba ku keliftay inu Cigaal ka qaato wasiir oo ahayd talaabo ay ku eedeeyeen dhinicii mucaaridka ahaa uu kaga baxay shirkii Beer markii uu ka biyo diiday danta Saleebaan iyo Colkiisu ay ka lahaayeen. Mar aan dareensiiyay arinkaa wuxu igu yidhi” Caliyow runtaan kuu sheegayaaye waxan kala doortay sedex: IN AAN UGA TAGO IN AAN KA HOR IMAADO IYO IN AAN LA SHAQEEYO. Sadexdaa waxan doortay in aan la shaqeeyo eh miyaan qaldanahay? Jawaabtaydu sidii ay inta badan ahaan jirtay waxay ahayd, MAYA ALLAYLEHE BOQOLKIIBA BOQOL SAX BAAD AHAYD, inta kugu caayaysaana waa kuwii aynu naqaanay. Sidaa daraadeed ayaan noqday shakhsiga keliya saaxiibadiisii halganka ee ka badheedhay inu daafaco mawqifkiisa

AHN eh Cigaal Silanyo kumuu casumin in UDUB uu la sameeyo lakiin wuu dareensanaa in aanu diyaar Axmed u ahayn. Axmed laftiisuna wuu arkayay Madaxwayne iyo xukuumadiisii oo xisbi samaysanaya in aanu keligii dhex fadhiyi karan. Sidaa daraadeed way arkayeen labada odayba in la gaadhay halkii ay ku kala leexan lahaayeen. Mid walbana wuxu jeclaa inay ka kale ku kala tagaan sida ugu sharfta iyo karaamada badan. Baabiurkii Wasaaradda wuxu Cigaal toos u amray in Axmed aan lagala wareegin ee la siiyo LAMARKII GDna looga furo. Sida aan maqlay markii uu Madaxwaynaha noqday waxa ka iibsaday Cali Warancade. In kasta oon jeclaa inu siiyo Darawalkiisii kala soo dabaashay safaradii in ka badan sideed SANADOOD uu mucaarid ahaa lakiin daaqadda laga tuuray markii uu madaxwaynaha noqday waayo Axmed waa Axmed LIB GADKA IYO ABAAL LI’IDUNA WAA LOO(LAW) U GOONIYA

Comments are closed