|

Maamulka Xisbiga Ucid ee Gobolka Saaxil oo Soo Bandhigay Khaladkii 1aad ee Maamulka Macaash-doonka ah ee Haamaha Berbera ku Kaceen DAAWO

Berbera 05.Nov 2015 (SDN/QJ)- Maamulka Cusub ee la wareegay Gacan ku haynta Haamaha Shidaalka Berbera ayaa Gebi ahaaba jarey lacagtii kabka aheyd ee lagu tageeri jirey Waxbarashada iyo Caafimaadka Degmada Berbera,islamarkaasina Suuqa ku siidayeen Tiro Shaqaale ah oo sifo aan sharciga waafaqsaneyn loo eryey.

Sidoo kale Maamulayaasha iyo Macalimiintin Dugsiyada Waxbarashada ee Degmada Berbera ayaa Waxbarashadii ka joojiyey Ardeydii kadib markii ay wayeen lacagtii Kabka aheyd ee ay ka qaadan jireen Haamaha Shidaalka Berbera.

Gudomiyaha Xisbiga UCID ee Gobolka Saaxil Rooda Axmed yasiin oo Xukumada ku dhaliishey inay Dayaceen Waxbarashadii iyo Cafimaadkii Berbera.

Comments are closed