|

Diyaarad ku dhacday Caasimada South Sudan ee Juba oo ay ku Geeriyoodeen 41 Qof – SAWIRRO

Jubba,4Nov,2015(QJ/SDN)-Diyaarad xamuul oo Ruushku uu farsameeyo ayaa dhacday maanta oo Arbaco ah kaddib wax yar markii ay ka duushay garoonka diyaaradaha magaalada Juba ee xarunta dalka South Sudan, iyadoo dishay ugu yaraan 41 ruux oo isugu jiray rakaabkii diyaaradda iyo dad kale oo dhulka joogay.

Shilka diyaaradeed ee maanta dhacay ayaa waxaa ka badbaaday mid ka mid ah shaqaalihii la socday diyaaradda iyo cunug yar, sida afhayeenka madaxtooyada dalka Koonfurta Sudan Ateny Wek Ateny uu warbaahinta ugu sheegay magaalada Juba.

Wararka ayaa sheegaya in diyaaraddu ay dhacday wax yar kaddib markii ay garoonka Juba ka duushay, iyadoo ku dhacday dacalka webiga Niilka Cad, iyadoo burburka diyaaraddu uu daadsan yahay halkii ay ku dhacday.

“Diyaaradda waxaa saarnaa 20-qof oo 10 illaa 15 qof ay ahaayeen rakaabkii diyaaraddan,” ayuu yidhi Ateny oo intaas ku daray. “Waxaan socda baadhis aan ku sameynayno tirada rasmi ah ee shaqaalaha diyaaradda saarnaa.”

Afhayeenka ayaa xusay in diyaaradu ay dishay tiro dad ah oo dhulka joogay, isagoo intaas ku daray in diyaaraddan uu nooceedu ahaa Antonov ay ku dhacday meel ay ku sugnaayeen dad kalluumeysato ah.

“Ma garanayno hadda tirada dadka dhulka joogay ah ee ay diyaaraddu dishay,” ayuu mar kale hadalkiisa ku daray afhayeenka madaxtooyada Koonfur Suudaan, Ateny Wek Ateny.

Dhanka kale, sarkaal ka tirsan booliiska waddankaas oo diiday in magaciisa la sheego ayaa u sheegay Reuters in shilkan ay ku dhinteen ugu yaraan 41-qof. Waxaana sidoo kale goob-jooge uu sheegay Reuters inuu arkay maydadka 41-qof oo yaalla goobtii ay diyaaraddu ku dhacday.

Ugu dambeyntii, Warbaahinta Koonfurta Suudaan ayaa baahiyay goor sii horreysay iyaguna baahiyay in diyaaradda ay la socdeen shan ruux oo shaqaale ah kuwaas oo u dhashay dalka Ruushka iyo toddoba ruux oo rakaab ahaa, iyadoo wargeyska South Sudan Tribune uu isna baahiyay in laba qof oo uu ku jiro cunug yar ay ka badbaadeen shilkan diyaaradeed.

 

 


 

Comments are closed